Somaliland: Badhasaab Ku-xigeenka Buhoodle oo Puntland ku Eedeyey in ay Faro Galin ku hayso Deeganada Bixin iyo Woow

132

Maamulka Puntland iyo Madaxweynaha Somaliya waxaan uga digaaya Fidnada ay ka Buurayaan Dhulka ku teedsan xududka Somaliland.

Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Buhoodle Jaamac Dheeg Cartan ayaa maamulka Puntland ku eedeyey in ay faro galin qaawan ku hayaan Dhulka xududka ee Somaliland gaar ahaana Dooxada Woow iyo Bixi. Badhasaab Ku-xigeenku oo ku sugan Degmada Widh-widh oo Gobolka Buhoodle ayaa dhanka kale waxa uu kormeer ku soo maray Magaalooyinka hoos yimada degmadaasi kuwaasi oo kala ah Bali-cad, Geed Dheer, Bali-hadhac iyo magaalooyin kale.

Jaamac Dheeg Cartan oo intii uu kormeerkaasi ku jiray qudbado kala duwan u jeediyey dadka deegankaasi ayaa waxa uu ka hadlay Sida ay dawlada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ay ugu helan tahay horumarinta deeganadaasi Buhoodle, isaga oo tilmaamay in wax laga qabban doono Adeegyada Bulshada sida caafimadka, waxbarashada iyo Biyaha. Waxaanu dadka deegankaasi degen ku dhiiri galiyey in ay ka qaybqaatan isdiwaangalinta codbixiyaasha Somaliland oo ku soo fool leh gobolkaasi.

Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Buhoodle Jaamac Dheeg Cartan waxa uu si kulul u naqdiyey dhul balaadhsiga maamul Goboleedka Somaliyeed Puntland ku hayaan Ciida Somaliland, waxanu Tilmaamay In deeganada Biixin iyo Woow yihiin dhul Somaliland ah isla markana waxa uu maamaulka  Puntland uga digay in ay taako dhulka Somaliland ah qaadan Karin, waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliya ku eedeyey in uu deegankaasi u soo diray Xildhibaano ka tirsan Barlamaankiisa kuwaasi oo fidno kale ka sii huriyey.

Comments

comments