Somaliland: Safiirka Sucuudiga ee Dalka Kenya Amb Cali Cismaan oo Hargeisa soo gaadhay

132

Waxa magaalada Hargeysa maanta soo gaadhey safiirka dalkaasi Sucuudiga u fadhiya wadanka Kenya Amb. Cali Cismaan oo Noqonaya Masuulkii Ugu Sareeyey Ee Abid Wadan Carbeed Ka Socda Oo Somaliland Soo Gaadha.

Wafitiga waxa ka mid ahaa isku duwaha Mucaawinooyinka Somalia iyo Somaliland oo u socday u kuur galida Abaaraha Ka Taagan Goboladda Somaliland iyo inay u Qaybiyaan Caawimooyin ay ka sidaan Xukuumadda Sucuudiga iyo Shacabkeeda.

Weftiga waxa soo dhaweeyay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Somaliland, waxana ugu horeyn ka hadlay Madasha Soo Dhawaynta iskuduwaha mucaawinooyinka Mr Sacad Muhand Al Suwayd waxan uu yidhi

“Waxaan aad ugu Faraxsanahay inaan Imaado Markii ugu horeysay Somaliland, Waxaanu Halkan u nimid fullinta Boqorka Sucuudiga oo noo xil saaray in aanu ka qayb qaadano Taakulaynta Walaalahayo reer Somaliland, waxaanu bilaalbi doona barri insha allah Qaybinta Raashinka.”

 

Comments

comments