Somaliland: “Boobe Haduu Ka Bixi Lahaa Ucid, Faysal Salaatu Shukri Buu Tukan Lahaa, Laakiin…..” Cali Guray

Guddoomiyaha Saddexaad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray ayaa ka hadlay dareenka Guddoomiye Cirro ee masuulka xisbiga WADDANI iska casilay.

Mujaahid Cali Guray ayaa sheegay in aanu guddoomiye Cirro ku farxi doonin warka Boobe ee ah iscasiladiisa,waxa kale oo uu is barbar dhig ku sameeyay Guddoomiyaha xisbigooda Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye Cirro ,isaga oo sheegay in haddii uu Boobe iska casili lahaa xisbiga UCID uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe salaatu Shukri tukan lahaa.

Gudoomiye Cali Guray wuxuu sidaa ku sheegay Qoraal kooban oo uu dhigay bogga uu Facebook-ga ku leeyahay , waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-“Haduu UCID ka bixi lahaa Guddomiye Faysal baa Salaatu Shukri tukan lahaa laakiin Gudoomiyaha WADDANI kolay warka Boobe ka farxin maayo.

Comments

comments