War Dagdeg ah: “Ismaan Lahayn WADDANI waxaad ugu tegaysaa Xafiisyo Madhan iyo Xurmo Madhan” Boobe Yousuf Ducaale oo Is casilay

171

Xoghayihii Warbaahinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale ayaa Maanta ku Dhawaaqay in uu iska Xasilay Xilkii uu ka Hayey Xisbigaasi.

Wararku waxay intaa ku Darayaan in Iscasilaada Muj Boobe ay Sababtay ka dib markii ay Beesha Gudoomiye Cire ay Cadaadis Saartay, laguna Cadaadiyey in aanu ku Hadli Karin Afka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Dhanka kale ilaha warkani ka soo Baxayaan ayaa intaa ku Daraya in Boobe uu iska Casilay Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye oo iyagu wada Hadal kula Jira Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani , oo uu Dhaliili Jiray Boobe intii ay ka Mid ahaayeen Xukuumada Madaxwayne Silaanyo ee ay Xilalka ka Hayeen.

Arintan Is Casilaada Boobe ee Xisbiga Wadani ayaa Dhabar jab ku Noqonaysa, Maadaama uu ka mid ahaa Tiirarka Ad-adag ee uu ku Taagnaa Xisbiga Waddani, sidoo kale waxaa iyaguna Muuqata Dhaliishii ay Bulshada ku Eedayn Jirtay Xisbiga Wadani in uu Reer uun leeyahay.

Comments

comments