Somaliland: Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo Gaadhay Dalka Shiinaha

129

Wafti heer sare ah oo ka tirsan XUkuumadda Somaliland ayaa gaadhay Caasimada dalka Shiinaha ee Bayjiin, iyagoo halkaasi u tagya hawlo shaqo.

Waftigan oo uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranak Somaliland Md. Kaysar C/laahi Maxamed ayaa waxa ka mid ah Safiirka Wareega ee Somaliland Amp.Raabi iyo Safiirka JSL ee Shiinaha.

Wasiir ku xigeenka Qorshynata Qaranka Md. Kaysar C/laahi, ayaa waxa arintaasi  kaga hadlay fariin uu soo dhigay bartiisa Facebook u dhignaa sidan” Waxa Xalay aanu Diyaarada ku Hubsanay oo Aniga iyo Safiirkeena Wareega Amb. Raabi aanu sii Ambo-bixinay Danjire Cabdi Saleebaan Mingiste oo Safar Shaqo ugu dhoofay Dalka Jamhuuriyada Shiinaha. Danjire Mingiste oo ah Wakiilka Dalkeena u fadhiyi doona dalkaasi Shiinaha oo ah Wadan Muhiimad weyn leh oo xidhiidh qoto dheer oo Ganacsi u dhaxeeyo labadeena Umadood, sidoo kalana Qaarada Afrika ee aynu ka midka nahay uu Wadanka Shiinuhu Muhiimad weyn siinayo ayaa si xidhiidhkeena loo dardar geliyo uu Danjire Mingiste ka hawl geli doonaa. Dalka Shiinaha waxaa ku sugan Arday tiro badan oo reer Somaliland ah iyada oo sidoo kale Kumanaan ka mid ah Ganacsatada reer Somaloland ay Sanad kasta u dhoofaan Dalkaasi oo ay ka soo iibsadaan badeecadaha kala duwan. Dhanka kale waxaa Dalka Somaliland ku nool Jaaliyad aad u balaadhan oo u dhashay Dalka China.

Waxaan ku rajo weynahay in Mustaqbalka dhow uu xooggaysan doono xidhiidhka Dalkeena Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalkaasi Jamhuuriyada Shiinaha 中華民國.”

Somaliland ha Guulaysato.

 

Comments

comments