Somaliland: Madaxwayne Silaanyo Oo La Filayo Inuu Safar Ku Tago Gobolka Saaxil.

154
????????????????????????????????????

Ilo wareed ka ag dhaw xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa Sheegaya in la filaayo in madaxweynaha Somaliland muddane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu safar ugu kicitimo xarunta gobolka Saaxil.

Ujeeddada safarka uu madaxwaynuhu ku tagayo gobolka saaxil ayaa la sheegay in uu daaran yahay in uu dhankiisa ka qayb qaato sidii loo xalin lahaa arinka ka taagan magaalada Berbera ee ah, dilkii dableydu u gaysatay taliyihii ciidamada booliska gobolka saaxil marxuum gaashaanle Casayr oo halis gelisay xaaladda amaanka gobolka.

Sidoo kalena wararku waxay intaa ku darayaan in socdaalka madaxweynuhu uu ku taxaluqo in uu ka qeyb galo xaflad ay dhawaan gudida doorashooyinku ku qaban doonaan gobalka Saaxil, taas oo ay ku shaacin doonan in ay diwaangalinta cod-bixayayaashu ka bilabayaan gobalada Saaxil, Hawd Iyo Gabilay.

Ugu dambeyntii safarkan la filaayo in uu madaxweyne siilanyo ugu baxo gobalka Saaxil iyo gobalada kale ee diwaangalintu isku mar ka bilabmayso ayaa waxa uu ku soo beegmayaa, wakhti ay maalimii u danbeeyey ay gobalka Saaxil ka taagneyd xaalad cakiran oo ka dhalatay dilkii taliyihii qeybta booliska ee gobolkaasi. In kasta oo ciidamada Qaranka Somaliland gacanta ku soo dhigeen dableydii loo tuhunsanaa dilkaasi, taas oo xaaladii gobolkaas kusoo celisay jawi deganaan ah ayaa socdaalkan xilligan ee madaxweynuhuna qayb muhiima kasii qaadan doonaa dejinta xaaladda

Comments

comments