Somaliland: Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil Oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Magaalada Berbera

127

Taliyihiii ciidamada booliska gobolka saaxil Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamed yusuuf(Casayr) oo ay maalimihii ina soo dhaafay dabley hubaysani ku dileen tuulada biyooley ee magaalada berbera ayaa aas la qaran loogu sameeyey magaalada berbera.

Waxaana aaska marxuun taliye casayr ka qayb galay masuuliyiin sar sare oo ka socda xukuumadda oo uu horkacayo madaxwayne ku xigeenka somaliland iyo wasiirka amniga somaliland.

Jawiga magaalada berbera ayaa hada ah mid aad u dagan kadib markii ay habeenimadii xalay ay ciidamada booliska somaliland ku guulaysteen inay soo qabtaan 8 nin  oo kamida dableydii dilka u gaysatay taliye casayr.

sidoo kalena Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakadda Warganenews ayaa sheegaya inay wali wada hadalo waan waan ah u socdaan beesha uu ka baxay taliye casayr  iyo xukuumadda somaliland  iyadoona la filayo inay natiijo fiican kasoo baxdo.

nm -- 3233

Comments

comments