Somaliland: Sheekh Aadan-Siiro oo 1,540 Foosto oo Biyo ah Gaadhsiiyey Tuulooyin ku yaalla Hawdka Hargeysa

113

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo weli ku hawlan gurmadka Dadkeenna Abaaruhu Saameeyeen, ayaa Maanta Deeq Biyo ah oo dhan 1,540 Foosto gaadhsiiyey Dadka ku dhaqan Lix Tuulo oo dhanka Hawdka ka xiga Magaalada Hargeysa.

Lacagta lagu iibiyey Biyahan Deeqda ah oo ay Dadka Abaareysan ugu soo Tabaruceen Hablaha ku mideysan Ururka Hoodaale iyo Rag Muxsiniin ah oo deggan Magaalada Cardiff ee Dalka Ingiriiska, ayaa Sheekh Aadan-Siiro oo lagu soo hagaajiyey Biyo ku iibiyey isla-markaana gaadhsiiyey deegaannadii loogu talo-galay.

Comments

comments