Somaliland: Sadexdii Hadhsanaa Kooxdii Dishay Taliye Casayr Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay

248

Sadexdii Nin ee hadhsanaa dablaydii weerka ku dishay talihii booliska Gobolka Saaxil, ayaa la sheegay in ciidanka amaanku ay gacanta ku soo dhigeen, kuwaas oo ay ciidanku ku daba jireen maalmihii u dambeeyey

Ciidamada amaanka ee kala duwan ee somaliland oo hawl gal xoogan ku soo qabgay kooxdan, ayaa xalay ay xukuumaddu shaacisay in ay soo qabatay sideed ka mid ah, halka ay sheegtay in lagu daba jiro sadexdii hadhsanaa, kuwaas oo wararka soo gaadhaya Wargane News in isla xalayba gacana lagu soo dhigay raggaasi oo la keenay magaaladda berbera waxyar ka dib markii la keenay sideedii hore.

ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka amaanka, balse wararka aanu ka helayno dhinaca xukuumadda gaar ahaan masuuliyiinta ku sugan magaaladda berbera, ayaa sheegay in xalay gacanta lagu soo dhigay sadexdaasi nin ee hadhsanaa oo ay hadda sidaasi ku soo wada dhamaaeen oo lagu soo wada qabtgay, waxaanay noqonaysaa in ay soo af go’day xaaladdii saaxil ka taagnayd

Comments

comments