Somaliland: “Ninka Hargeysa Joogaa Dan Laascaanood Ma Wado Ee Jeebkiisuu U Joogaaye, Kursigiisana Wuu Ilaashanayaa” Maayarka Laascaanood

141

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Magaalo Madaxda Sool Ahna Maayarka Degmada Laascaanood Oo Weeraray Mas’uuliyiinta Gobolkaas Ka Soo Jeeda Ee Xukuumadda Ku Jira.

Maayarka degmada Laasaanood Md Cismaan Saleebaan Jaamac, ayaa eedo kulul dusha kaga tuuray siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Sool ee ku jira xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. Maayar Jaamac oo ka hadlayey munaasibad lagu daah furayey mashruuc tamarta cadceeda lagaga hirgelinayey waddooyinka degmadaas, ayaa   niyadxumo ka muujiyey horumar laga hirgeliyo Laascaanood, waxana uu sheegay inaan loo midaysnayn  ka midho dhalinta yoolka ay degmadu higsanayso.

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in xubnaha deegaankaas kasoo jeeda ee xukuumadda ku jiraa aanay diyaar u ahayn inay xuquuqda degmada Laascaanood soo qaadaan,

“Laascaanood, ganacsatona ma leh, jaaliyadna ma leh oo dad ilaahay iska uuntay weeye, dawladda kuwa inoo joogaana waxba inoo soo qaadi maayaan oo  waxba inooma goyn karaan.” Ayuu yidhi guddoomiye Jaamac Yaasiin.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa si cad u sheegay in xubnaha reer Laascaanood ee Hargeysa joogaa yihiin qaar buuxinta jeebkooda oo kali ah halkan u jooga, isla-markaana hilmaansan xuquuqdii deegaankoodu ku lahaa, waxana uu yidhi,

“Ninka Hargeysa joogaa dantiisa iyo Jeebkiisuu u joogaaye Dan laascaanood uma joogo, Kursigiisa wuu ilaashanayaa, siyaasadiisa gaar ahaaneedna cid buu ugu xidhan yahay.”

Xubnaha dhalasho ahaan kasoo jeeda deegaanada gobolka Sool, ayaa  qaarkood waxa ay xukuumadda ka hayaan xilal muhiim ah, balse inta badan waxa lagu dhaliilaa inaanay u hagar baxsanayn inay waxqabadka xukuumadda iyo horumarkaba gaadhsiiyaan deegaankaas oo dalka intiisa kale ka dambeeya.

Comments

comments