Somaliland: Muuse Biixi “Waxaan Bogaadinayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Maanta Ku Guntaday In Qaranimaddu Ay Istaagto”

105

Guddoomiyaha xisbiga talladda Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu ammaan balaadhan u jeedinayo Taliyaha Booliska Somaliland iyo Wasiirka Daakhiliga oo uu sheegay inay u guntadeen in qaranimadda Somaliland ay istaagto.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ka sheegay aas qaran oo maanta loogu sameeyay magaaladda Berbera ALLE ha u naxariistee Taliyihii qeybta booliska Saaxil Marxuum-Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud oo dabley hubaysani ay ku dileen deegaanka Biyooley ee gobolka Saaxil, kuwaasi oo shalay la soo qabtay siddeed ka mid ah.

Comments

comments