Somaliland: Wasiir Warancade Oo Si Rasmiya U Shaaciyey In Gacanta Lagu Soo Dhigay Gacan Ku Dhiiglayaashii Dilay Taliyaha Qaybta Booliska Ee Berbera

176

Dablaydii dishay Taliyihii qaybta Booliska Berbera oo la qab qabtay

Ciidamada Qaran ka Somaliland ayaa Gacanta ku soo dhigay 8 ka mid aha Dablaydii Weerarka ku dishay Taliyihii qaybta Booliska Berbera, dablaydan ayaa galabnimadii maanta oo khamiis ah lasoo qabtay iyagoo uu mid ka mid ahi dhaawac yahay, sidaasi waxa warbaahinta u xaqiijiyey wasiirka wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo goor dhawayn Berber shir jaraa’id ku qabtay.

kooxdan dablayda ah ee la soo qab qabtay ayaa la filayaa in loo soo dhaadhiciyo magaalada Hargeysa si loogu maxkamadeeyo, dhinaca kale waxay ciidamada ku daba jiraan qayb ka mid ahayd kooxdan lasoo qabtay oo iyagu baxsad ku jiraan

Comments

comments