Somaliland: Xubno Ka Socda Baarlamaanka Oo gaadhay Borama Iyo Dareenka Dadwaynahu Ka Bixiyeen

108

Waa nasiib daro in ay yidhaahaan 11 sano kadib ayaan xaqiiqo raadin u socononaa, waa yaabe goorma ayay sharci ka soosaari arinta ay u socdaan maanta

Waxa maanta galinkii hore soo gaadhay Magaalda Boorama wafdi ka socday Golaha Wakiilada Somaliland, wafdigaas oo ka kooban 8 Xildhibaan ayaa imaatinkooda Boorama waxa uu ahaa mid dhawrkii maalmood ee u dambeeyayba la sugayay.

Wafdigan ayaa isla subaxnimadii saakaba saxaafada in uu la hadlo oo uu uga waramo ujeedada safarkiisa  ka gaabsaday, balse waxa ay ilo wadeedyo ka agdhow wafdigani sheegayaan in dulucda safarkoodu ay tahay mid salka ku haysa sidii ay xog baadhis iyo waraysi ula yeelan lahaayeen bulshada iyaga oo markaasi ujeedada badhistoodu tahay mid salka ku haysa dhinaca saamiqaybsiga golaha baarlamaanka ee beelaha Somaliland sidii loo turxaan bixin lahaa, dadkana raýi looga qaadi lahaa.

Sidoo kale waxa ay ilo wadeeyadaasi xog ogaalka ahi intan ku darayaan in Gudidani ay damacsan tahay in ay kulano hoose iyo mid gaar ahba la yeelato xilsidayaasha dhaqanka xallay.

Dhinaca kale dadwaynaha ku nool Boorama oo safarkan ay gudidan ka tirsan Baarlamaanku ku timiday Boorama la moodo inay sii ogaayeen, ayaa waxa ay ka bixiyeen safarkaasi dareeno kala duduwan oo isku ladhan, kuwaas oo sii odorasaya ujeedada qarsoon safarkan iyo waxa uu midho dhali karo iyo sidoo kale golaha baarlamaanka oo ay dadku tilmaamo kala duwan ka bixiyeen sida uu shaqadiisa u gudto iyo ujeedooyinka uu u jiro labadaba.

Dareenka ugu wayn ee dadku ay ka siman yihiin ayaa waxa uu ahaa mid dhaliil xoogan u xambaarinaya Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland, waxana ay dadku dariinsan yihiin Xubnaha Baarlamaanka Somaliland inay yihiin kuwo tan iyo intii la doortay sanadii 2005tii ilaa maanta ku guul daraystay in ay gutaan waajibkooda ah sharci dajinta, waxana ay guuldaradaasi ku hagtay Baarlamaanka Somaliland in uu noqdo mid lumiyay sumcadii iyo kalsoonidii ay bulshadu u haysay, waana midaas mida sababtay in Gudidan Ka Soo Talo Bixinta Arimaha Saamiqaybsiga ee Golaha Baarlamaanka Dhexdiisa Ah ee manta ku yimid Boorama loo arko xubno aan u socon maslaxad bulsho balse u socda maslaxad kooxeed, kooxdaasina ay tahay tan xildhibaanada Baarlamaanka.

Waa nasiib daro in ay Awdal noqoto ushii ceelka lagu dayayay, oo waxwalba oo huursan oo aan la garanayn waxa ka soo bixi doona lagu sii tijaabiyo ayuu yidhi Muuse Cilmi oo dareenkiisa cabiraya.

“Waa nasiib daro in ay yidhaahaan 11 sano kadib ayaan xaqiiqo raadin u socononaa, waa yaabe goorma ayay sharci ka soosaari arinta ay u socdaan maanta, ilama aha inay taasi u socdaan, balse waxa ay maanta la soo tafo xayteen sidii ay mudo kordhin kale oo mushahar ugu kordho ay u soo sahamin lahaayeen” ayay tidhi Xaliimo Maxamuud Geedi

Ma aha intan oo kaliya balse reer Awdal waxa ay ka biyo diidsan yihiin safarka ay siiro galka tahay ee ay ku kala gaalaa bixinayaan dalka oo dhan iyaga oo xaqiiqo ka raadinaya dhinaca saami qaybsiga, waxana ay dulucda dareenka dadwaynahu tahay mid dib u gocanaysa in reer Awdal uu kali ku ahaa tabashada dhinaca saamiqaybsiga guud iyo kan gaarka ah ee golaha dhexdiisuba, waxana ay qabaan in gudidani aanay xaqiiqo ku salaysnayn, mar hadii  dheelitirla’aantii laga dhex arkay Baarlamaanka ay maantana umada oo dhan wax ka waydiinayaan, barina ay natiijadu tahay in beel walba oo Somaliland degtaa ay iyaduna rabto in loo kordhiyo hadiiba wax la kordhinayo.

“Hadii ay u socdaan in gobolada dalka oo dhan oo beelo ku salaysan ay wax saami ah waydiinayaan, arintu waa aan isla degno, oo aan wada korodhsanom Reer Awdal cidna lama qabin dereenka ah in ay wax ka maqan yihiin, balse maanta marka ay meel wax ka kordhiyaan, meesha kalena waa hubaal in ay wax ka kordhinayaan, taasina wax ay ka tarayso tabashooyinkii dhinaca saamiga gudaha golaha wakiilada ah ee jirtay ma laha. Waa jug-jug meeshaada joog” sidaas waxaa ku maahmaahay Garaad Muuse Ceelaabe  Abaar oo saluugsan safarka isku raranta ah ee Baarlaamka, tamashlena ku sii tilmaamay.

Dareenka dadwaynahu intan kuma koobna, balse waxa kale oo uu gudidan baarlamaanka Somaliland ka socota u arkaa mid aan wax midho dhal ah ka soo saarayn safarkeeda xaqiiqo raadinta ah, waxana ay tani u suuraynayaan in shaqadii loo igmaday 11 sano ka hor ay ilaa maanta qabyo badani ku jirto, shaqadaas oo ahayd mida dhinaca sharci dajinta ah.

“Waa nasiib daro guud in Baarlamaanku runta isku sheegi waayo oo guuldarada ku habsatay iyo fadhiidnimadiisa uu akhrisan waayo, waayo hawsha xaqiiqo raadinta ah ee ay maanta u socdaan, halwo badan oo ka horeeyay ayaa qabyo ah, dalkii mudo cayiman oo doorasho dhacdo oo aan kaga baxno kordhisakan daba furanta ah oo la mid ah kan dalalka hore u maray ayay qalinka ku duugi waayeen, ilayn aayo lagu xasuusto ayay u noqon lahayde, kuwii ayaa maanta raba inay yidhaahaan arin kale ayaan u soconaa, uma arko in ay xal raadinayaan ee xujo ayay umada ku yihiin” Sidan waxa Baarlamaanka u dhaliilay Mawliid Cabdi Cismaan

Haweenay da’ dhexe ah oo Magaceeda ku soo koobtay Marwo ayaa iyaduna tidhi “Bal fiiri Lughaya waxa ka dhacaya, ee muran xuduudeed ah, maxaa laanta xeerkii Ingiriisku noo sameeyay kalifay in la yidhaa waan qujo-qujaynaynaa, Maxaa sababay in Salaadiin iyo dhalinyaro aan xeer dajinta loo igmay ay warbaahinta iskaga hanjabaan oo ay Muran xuduudeed ku doodaan, Jawaabtu waa xeer La’aan, waa bulsho aan xeer dabar u noqda loo samayn, maantana waa  kuwii aan u diranay inay dastuurkeena ilaaliyaan kuwa raba in ay doc kale wax ka faqooqaan oo ay umada madaxa isku galiyaan, u malayn maayo in ay wax fiican soo wadaan balse waxaan leeyahay iska dalxiisa”

Sidoo kale waxa jira dareen kale oo gudidan hawsha ay u socoto ku xidhiidhinaya xagaldaacin qarsoon oo lala maagan yahay diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka 2017 ka dhici doona Somaliland, dareenkan inta yare e dadwaynaha ah ee qabta ayaa waxa ay suuraynayaan in Gudidan hawsha ay u socdaan ay hurin karto muran iyo is maandhaaf bulshada Somaliland ka dhex dilaaca, hadii ay dhacdo in Saami-kordhinta ay taladeeda raadinayaan la yidhaa ha lagu saleeyo diiwaangalinta iyo sida loo kala badan yahay, ama beelo iyo sida dalka loo dago ama arimo kale oo ay suuragal tahay in laga talo bixiyaa. Waxana walaaca dul hoganaya diiwaangalinta ee Gudidan ka soo yeedhi kara uu mala awaalkiisu noqon karaa in lagaga biyo diido diiwaangalinta oo sidii is huwanaanta ahayd la doorbido, mar hadii kala badnaashaha ka soo bixi kara diiwaangalinta aanan lagu wada qanacsanaan doonin hadii la yidhii saamiga ayaa ku xidhan, taasina ay sababto in  xal loo arkoba in diiwaangalinta la laalo, dadkana wax loogu qaybiyo nidaamyo kale oo mid beeleed, ama mid dimuquraadiyad qabyaaladaysan ah.

Si kastaba ha ahaatee Gudidan oo lagu wado in ay maalmaha soo socda ku sugnaadaan Boorama, ayaa waxa laga warsugaaba waxa uu noqon doonaa waxa ka soo baxa kulanadaas ay manta galinkii dambaba bilaabeen ee ay Bulshada la yeelanayaa, wallow ay u muuqdaan kuwo aan Imaatinkooda la mahadin, dadkuna ay ka didsan yihiin waxa uu noqon doono gundiga safarkoodu.

“Warjiraaba Cakaara Ayuuse  Iman”

Comments

comments