Somaliland: Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI Oo Shacbka Iyo Ciidamada Booliska Ka Tacsiyeeyey Dilkii Loo Gaystay Taliyihii Booliska Qaybta Saaxil

110

Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada somaliland sidoo kalena ah guddoomiyaha xisbiga waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cirro), ayaa dhammbaal tacsi ah u diraya,saraakiish booliska hoggaanada kala dwuan ee ciidamada booliska, qoyskii asxaabtii eheladii qaraabadii iyo guud ahaanba qaranka somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi alleh ha u naxariistee taliyihii qaybta booliska gobolka saaxil Marxuum C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo goordhaweyd toogasho loogu geystay duleedka magaalada Berbera u geeriyooday .

Guddoomiye cirro ayaa ilaahay ugu beryey  intii falkaasi ku dhaawacantey inuu caafimaad sareecaana siiyo,waxaanu ugu baaqay bulshada in aan arita il qabiil lagu eegin ee il qaran lagu eego.

Guddoomiye cabdiraxmaan cirro, waxaa kale oo uu illaahay uga baryeyaa Marxuum C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr  inuu godka u nuuriyo, janatul fardawsana uu ka waraabiyo, ehel, qaraabo iyo guud ahaan shacbiga somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale Xisbiga KULMIYE ayaa tacsi taas la mid ah u diray shacbiga Somaliland, qoyskii iyo qaraabadii uu kabaxay Taliye Casayr, waxaana warsaxafaadeed uu xisbigu soo saaray u dhignaa sidan:

Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa falka xaq-darrada ah ee lagu dilay Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil Alle ha u naxariistee Marxuum Gaanshale Cabdirisaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo koox hubaysani ku toogatay deegaanka deegaanka Biyooley ee Gobolka Saaxil maanta (01/03/2016) waqti isaga iyo ciidammo uu hoggaaminayey shaqo qaran u socdeen.

Falkani waxa uu waxyeelo ku yahay nabadgalyada, dawladnimada iyo kala dambaynta sharciga ee dalka Somaliland. Sidaas darteed, waxa uu xisbiga KULMIYE ku talinayaa in gurmad degdeg ah laga galo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan-ku-dhiiglayaasha ka dambeeyey weerarkan foosha xun, si sharciga loo horkeeno ciddii gaysatay.

Ugu dambayntii, anigoo ku hadlaya afka Guddoomiyaha iyo hoggaanka KULMIYE iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ciidanka booliska iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo ay dishay gacan-ka-xaqdarani, waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, qoyska iyo guud ahaan shacabkana samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin…Aamiin….Aamiin.

Comments

comments