Somaliland: Magaalooyinka Ceerigaabo, Garadag iyo Ceelafwayn Oo Muddoharaad Balaadhani Ka Socdo.

426

Waxa magaalada Ceerigaabo ka socda hadda mudoharaadyo balaadhan oo magaaladaasi gil gilay. muddoharaadyadan ayaa lagaga soo horjeeday dilkii arxan darada ahaa ee shalay ay maleeshiyaadka Cali Xoor Xoor magaalada Berbera dusheeda ay ugu geysteen taliyihii ciidamada Booliska ee gobolka Saaxil.

Sidoo kale muddoharaadyo ka bilaabmeen magaalooyinka Ceel Afweyn iyo Gar adag,kuwaas oo lagaga soo horjeedo dilkii shalay gobolka Saaxil loogu geystay taliyihii ciidamada Booliska Gobolka Saaxil. muddoharaadyadan ayaa ahaa kuwo xoogan oo gil gilay magaalooyinkaasi Ceel Afweyn iyo Gar’adag,waxaanay dadkaasi ku dhawaaqayeen ereyo ay ku dalbanayaan in lasoo qabto gacan ku dhiigleyaashii dilkaasi u geystay Talihii Ciidamada Booliska gobolka Saaxil oo shalay kooxo hubaysani ku dileen duleedka magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay dilkaasi ,marka laga reebo oday dhaqameed xabsiga loo taxaabay oo tiro badan,kuwaas oo kasoo jeeda beesha ay dablaydaasi kasoo jeeday.
Wixii Wararkan kasoo kordha kala soco insha allah Shabakadda wargane

Comments

comments