Somaliland: Guddoomiye Cirro deeq Lacageed Ku Wareejiyey Guddida Dhismaha Wadada Digaale Ee Degmada Maxamed Mooge I

115

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa maanta bookhasho ku tegay jidka isku xidha degmada Gacanlibaax iyo madaarka Hargeysa kaas oo uu dhismihiisu socdo,isla markaan wuxuu guddoomiye Cirro ku wareejiyey guddiga dhismaha jidkaasi gacanta ku haysa deeq lacageed uu Xisbiga WADDANI kaga qayb-qaadanayo dhismaha jidkaasi.

Guddoomiye Cirro ayaa waxa ku weheliye bookhashada sakaa Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed C/laahi Uur-cadde iyo masuuliyiin kale oo ka tirsana Xisbiga WADDANI,iyadoo markii ay gaadheen xaafada Maxamed mooge weftigu saaka si diiran loogu soo dhaweeyey,waxana ugu horreyn halkaasi ka haddlay guddoomiyaha guddida wadadaasi wada  Caaqil Xasan ibraahin xuseen waxaanu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu guddoomiye Cirro iyo weftiga la socda ku soo dhaweeyo degmada Maxamed mooge,ee ay waddadu dhexmarayso”taas oo dhererkeedu yahay 5.5km kana timaada gacan libaax una socota hawdka magaalada  ee madaarka Hargeysa,anagu haddii aanu nahay guddiga wadadan digaale,anagu mucaarad ma naqaano,shayga la yidhaah mucaaradka ma naqaano,waxa anaga mucaarad noo ah qofka wax ku tariwaaya wadada,muxaafidku waa qofkii wadada wax ku tara ee yimaada oo WADDANI ah,waddaninimadu waataa ku keentayy Guddoomiye,wixii aad nagala qayb-qaadanayso waxa nagala weyn in aad maanta noogu timi halkii ay waddadu ka socotey,”Ayuu yidhi Caaqil Xasan Ibraahin Xuseen.

Sidoo kalena Suldaan cadda gude oo kamida odyaashas xaafada waxaana uu ka dhawaajiyay inay ku faraxsan yihiin ka degmo ahaa inuu gudoomiye cirro qadarkan lacagta ah ku deeqo wadadaas, sidoo kalena waxa uu ugu baaqay dadwaynaha degan xaafada inay codkooda siiyaan gudoomiye Cirro waxaana uu yidhi“marka hore waxaan u mahadnaqayaa gudida wadadan digaale oo dadaal badan u galay sidii ay dhisi lahaayeen wadadan, Mudane gudoomiye aad baad ugu mahadsan tahay imaanshiyahag, wadadan hada waxay dhisan tahay (500M),sidii hore loo sheegayna waxay isku xidhaysaa degmooyinka hore loo sheegay, waxaan leeyahay dadwaynaha xaafada maanta waxa idin yimi masuuliyiintii xisbiga wadani oo diyaar idiin ah inuu wax idiin sameeyo, hawshan uu hada cirro qabtayna waxaa masuuliyadeed lahaa oo ahayd inay dhisaan dawlada laakin may garan markaa bulshada degmadaa Maxamed Mooge waxaan leeyahay balanteenu ha noqoto maalinta codbixinta in aynu codkeena siinoo Xisbiga wadani oo waxyaalo badan inoo qabtay Saw sidaa maaha” ayuu  yidhi Suldaan Cadde Gude

Guddoomiye Cirro oo gunaanadkii halkaasi ka haddlay  ayaa sheegay in aanay deeqdanu noqon doonii tii ugu horreysay balse ay tahay deeq horaanteed,waxaanu ugu baaqay taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka iyo debada in ay ka soo qayb-qaataan,isagoo sidoo kalena balan-qaaday inuu xataa kuuli ka noqon-doono dhismaha jidkaasi”Shacbig xaafadan deggan dumarka iyo dhalinyaradaba waaxnu ku faraxsanahay, in aanu maanta idiinku nimaadno deegaanka aad degantihiin,oo runtii aan filayo inuu  mustqabalka noqon doono,deegaanada ugu quruxda badan,magaalada Hargeysa,marka aan halkan aan teeganahay eego,een waxaanu ku faraxsanahay,in shacbigu,ay doonayaa in iskaa wax u qabso,ay doonayayaan in ay  wax ku qabsadaan oo way waddooyinka  ku dhisaan,oo ayb iyagu is xilqaameen,guddiga aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa,war-bixinta waxa inta badan noo keenay xafiiska degmada ee Xisbiga,guddigaa nooga waramay in hawshu socotona nooga waramay,maanta halkan keligay ma ihi,hoggaankii xisbigu wuu dhan yahay,waanu ka shirnay go’aan aan keligay sidan ma’aha,waa go’aan Xisbi in aanu tageerno wixii tamartayada ah,een wax weyn ma sidno,lakiin balan-qaad maaha waxayagu,hadda ayaanu gacanta ku haynaa,nin-baa la yidhi  ‘geel yaa ku yaboohaya, debaad wuxuu yidhi anigu rubad run-uun ma bixiyaa, markaa nagu  tii runta ahayd rubadii runta ahayd baanu sidnaa,saddex kun oo doollara baanu ugu tabarucaynaa, waana bilawgii,lacagtaasi waxa soo ururiyey raga halkan taagan ee ila socda,hablaha taageerayaasha xisbiga,Ayuu yidhi Cirro

Md Cirro oo haddalkiisa sii wata ayaa baaq u diray taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka iyo debada ku kala sugan isoo guddiga jidkaasi dhismihisa gacanta ku haysana ku wareejiyey deeq lacageed uu Xisbiga WADDANI kaga qayb-qaadanayo dhismaha jidka isku xidhaya xaafadaha gacanlibaax Maxamed Mooge,xaafada Digaale iyo madaarka Hargeysa“taageerayashaa Xisbiga ee debada iyo gudahaba waxaan ugu baaqayaa,in waddadan la soo teegeero,hadii ilaahay ka dhigo,waxaan jecelahay in aan ku warejiyo guddoomiyaha guddida wadaa daasi saddexdaa kun ee Dollar,waxaanu balanqadayanaa in aanu waddadan kala shaqaynayni xataa haddii ay guuli noqoto in aanu kuullo ka noqono ayaanu diyaar u nahay,waddankeena inaga ayaa dhisan karna sidaas ayaan qabnaa,xoolo weynu buuxnaa,haddii ay hal-hal dollar bixino saddex milyan baynu nahayoo shacabigu wax badan buu qabsankaraa,waxa mihiim ah qof waliba isagoo muwaadin ah inuu ka qayb-qaato wadadan iyo wadooyinka kale ee waddanka kale ee waddanka laga dhisayo,iyo mashaariicda kale ee khayriga ah,ee waxbarashadu kamid tahay,ee uu caafimaadku kamid yahay.Ayuu yidhi Cirro.

 

Guddoomiye C/raxmaan Cirro ayaa ka haddlay abaaraha dalka ka jira waxaanu illaahay ka beryey inuu raxmeedkiis inoo shubo,waxaanu sidoo kale ka haddlay diwaangelinta”Abaarahana taagan ilaahay ayeynu ka baryeynaa inuu inaga damiyo abaarahaas,ilaahay roob ha ina siiyo,illaahay dalka ha inoo hagaajiyo,illaahay amniga ha inoo hagaajiyo,xilkaasi waa xil ina wada saran,haddii aynu nahay shacbiga reer Somaliland,waxa aynu ku jirnaa xiligii diiwaangelinta, dhammaaba shacbiga waxaan ugu baaqayaa in ay si nabad-gelyo ah isku diwaangeliyaan,oo ay hawshaa qaran,qof kasta oo xaq u lihi inuu is diwaangeliyo,qof kastaaba inuu is diwaangeliyo ayaanu  ugu baaqaynaa” Ayuu yidhi Cirro

Ugu dambayntii Guddoomiye Cirro ayaa bookhasho ku tegay xarunta xisbiga WADDANI ee degmada Maxamed Mooge ,halkaasi oo uu kullan kula qaatay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee degamada Maxamd Mooge

Comments

comments