Somaliland: Badhasaab Ku Xigeenkii Gobolka Saaxil Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Maydka Taliyihii Shalay La Dilay Oo Laysku Afgartay In La Aaso.

109

Wararka aanu ka helayno magaalada Berbera ayaa sheegaaya in xabsiga loo taxaabay badhasaab ku xigeenkii gobolka Saaxil oo ahaa isagu shakhsigii shalay la socday talihii ciidamada Booliska gobolka Saaxil oo la dilay. badhasaabka ayaa mar uu shalay la hadlaayey warbaahinta waxa uu dhacdadan uga hab shaki badan dhaliyey,isaga oo sheegay in rasaas badan la huwiyey,halka ay gaadhiga lagu dilay marxuumka xabad keliyaataa ku tiilay,waxa kale oo warkiisaasi keenay shaki kale oo ah in cida keliyaata ee la doonaayey ay ahayd taliyaha,iyada oo aan waxba la yeelin Badhasaab ku xigeenka iyo cidii kale ee la socotay taliyaha.

waxa sidoo kalena laysku afgartay in la aaso maydka Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Saaxil oo maydkiisu yaaley dhakhtarka weyn ee magaalada Berbera,waxaana dhakhtarka hortiisa kusoo ururay dad aad u tiro badan .

Comments

comments