Somalia: Magaalada Dhuusamareeb oo uu Dagaal ka socdo

142

Wararka ka imaanaya gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal ba’an uu ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Xalay sakhdi dhexe ayaa mar keliyaa dadka Dhuusa Mareeb waxaa hurdada ka kiciyay rasaas xoog leh oo ka dhacday saldhiga magaaladaasi. Inkasta oo dagaalku uu markii dambe istaagay, haddana saaka aroortii ayuu dib u qarxay, arrintaasi oo sababtay in dad badan ay magaalada ka qaxaan.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa maleeshiyaad ka tirsan maamulka Ahlu Sunna iyo ciidamo uu wato nin horey uga goostay Milatariga Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaankaasi.

Afhayeenka maamulka Ahlu-Sunna Mursal Xefow oo BBC-da la hadashay ayaa sheegay in dagaalkan uu ahaa mid la soo abaabulay oo lagu soo qaaday maamulka Ahlu-Sunna, waxa uuna ku eedeeyay in Mudug ay dagaalka ku lug leedahay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Balse afhayeenka ayaa sheegay in dhankooda ay jiraan laba qof oo dhaaawac ah, oo sidoo kalana arkay meydka afar qof, ha yeeshee ma jirto wararkani cid xaqiijin

Comments

comments