Somaliland: Xukuumadda Oo Markii U Horeysay Fariin Digniin Ah U Dirtay Dawlada Puntland

114

Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland ahna afhayeenka xukuumadda somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa maamulka puntland uga digay faragalinta qaawan ee ay ku hayso qaar kamida deegaano hoos yimaada gobolka sool.

Waxaana wasiirku sheegay inay markaste dawlada somaliland difaacanayso ciidadeeda iyo xuduudeeda aanayna u dul qaadanayn cid kaste oo faragalin qaawan ku samaysa xuduudaheeda, sidoo kalena waxa uu ugu baaqay ciidamada dawlada puntland inay si dag dag ah uga baxaan xuduudaha Somaliland.

Comments

comments