Somaliland: Taliyihii Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil oo la dilay

403

Allaah ha u naxariistee, waxa Duleedka Tuulada Biyoole oo dhanka Bariga ka xigta Magaalada Berbera lagu dilay Taliyihii Qaybta Booliiska Somaliland ee Gobolka Saaxil Cabdirisaaq Maxamuud Caseyr.

Taliyaha ayaa Geeriyooday, ka dib markii Dablay hubaysan oo aan illaa hadda Haybtooda la garan israsaaseyn ku dhex martay duleedka Tuulada Dhibiije oo ay marayeen Ciidammo Hawl-gal u socday oo la socday Taliyaha Dhintay. Waxaana la sheegay in ka hor Geerida Taliyaha ay Israsaaseeyeen Ciidammada Booliiska ah ee la socday Taliye Caseyr iyo Dablayda Hubeysan oo la aamisan yahay inay si ku talo-gal ah weftiga Taliyaha halkaas ugu soo sugayeen.

Ka sakow, Taliyaha Geeriyooday, waxa Israsaaseyntan ku dhaawacmay Askari ilaalo u ahaa Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil oo hoggaaminayey Weftiga uu la socday Taliyaha la dilay, Sida uu xaqiijiyey Maayarka Degmada Berbera Cabdishahuur Ciddin.

Meydka Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil, ayaa waxa goor dhawayd la soo gaadhsiiyey Cisbitaalka Guud ee Magaalada Berbera.

 

Comments

comments