Somaliland: “Rag Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Isbahaysiga Is Afgarad Baa Laga Gaadhay, Ragga Kalena…..”

140

Xoghayaha guud ee xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiintii murashaxiinta isbahaysiga ee dhawaan qaadacay shirkii golaha dhaxe ee xisbiga Kulmiye ay soo xero-geliyeen ka dib markii ay isku afgarteen wada-hadal u furmay siyaasiyiintaasi.

Md.Xasan Siciid Yuusuf, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu sida oo kale tibaaxay in siyaasiyiin kale oo ka mid ah isbahaysiga murashaxiinta uu iyagana u socdo wada-hadal u dhaxeeya xisbiga Kulmiye, isaga oo carabka ku dhuftay in ka xisbi ahaan ay waajib ku tahay in siyaasiyiinta ka cadhooday ay dib u soo maslaxdaan sida oo kalena ay arrimahooda ku dhammeystaan xisbinimo.

“Waa laga yaaba in arrintii berigii dhaweyd ee diiwaangelinta uu tartan jiray, waana ay jireen murashaxiin u tartamaayey xisbiga oo dhowr ahaa taasina waa wax bannaan oo tartan ah oo ku saabsan arrinta loolanka murashaxnimada. Raggaasi namay odhan xisbiga waanu ka baxaynaa, waxa aanu ku tallogalnay annagu siddii xisbigu uu dadkiisa isagu soo ururin lahaa, siddii uu dadkiisa isagu keeni lahaa, ragaasina waa rag ka mid ah xisbiga Kulmiye oo qaarkood ay ka mid ahaayeen aas aaseyaashii xisbiga Kulmiye sida oo kalena miisaan culus ku lahaa xukuumadda iyo xisbiga Kulmiyeba, xisbiguna waxa uu ku tallogalsan yahay in uu uruuriyo oo uu isku keeno, imikana rag ka mid ah raggiina is afgarad iyo wadahadal ayaa laga gaadhay arrintii, ragga kalena wada-hadal ayaanu doonaynaa in aanu la yeelano, marka wada-hadalo dadbadan, kuwo toosan iyo kuwo kaleba waa ay wada socdaan, waxaana aanu ku rejo wey nahay in aanu arrintaas xisbinimo ku dhammeysano, kamana werersanin in ragaas wax kale ka imanayaan.”.Ayuu yidhi Xasan Siciid

Comments

comments