Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Si Adag Uga Hadlay Dilka Taliyihii Booliska ee Gobolka Saaxil Tacsina u Diray

123
Somaliland: President Silanyo Appeals for Peaceful Stability
Somaliland: President Silanyo Appeals for Peaceful Stability

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa amar ku bixiyay in deg deg loo soo qabto dableydii toogashadda ku dishay ALLE ha u naxariistee Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Saaxil Marxuum-Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal caawa ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax). Waxaanu u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa ciidamada booliska, iyo guud ahaan ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo ahaa Taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Saaxil, oo maanta gacan ka xaqdarani ay ku dishay deegaanka Biyooley ee gobolka Saaxil.

Madaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu waajib qaran gudanayey, isaga iyo ciidankii la socdayba, markii lagu dhagaroobay, waxaanu madaxweynuhu amar ku bixiyey in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo kuwa geystay dilka, meel kasta oo ay galaana lagaga daba tago, sida ugu deg-dega badana sharciga loo horkeeno.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Comments

comments