Somaliland: Daawo Taliska Booliska Somaliland Oo Sharaxay Dilka Taliyihii Qeybta Booliska Saaxil

223

Taliska Ciidanka Booliska ayaa caawa ka hadlay dilka taliyihii qeybta booliska Saaxil Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud, oo koox dabley ahi ku dishay deegaanka Biyooley ee gobolka Saaxil.

Taliye ku-xigeenka Labaad ee Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Daahir Cali Wacays iyo Af-hayeenka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo caawa shir Jaraa’id wada jir ugu qabtay Xafiiska Taliyaha Qaybta galbeedka Gobolka Maroodejeex ee Caasimadda Hargeysa,ayaa sheegay in xilliga Taliyaha la dilay uu ku jiray hawl gal qaran oo ay ku wada socdeen Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil isla markaana Taliyaha iyo madaxda kale ee la socotay oo hawl gal shaqo ku gudo jira in loo galay meel u dhaw deegaanka lagu magacaabo Biyoolay oo ka tirsan gobolka Saaxil dablayda ayaa sidoo kale dhaawacday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo la socday Taliyaha Geeriyooday.

Comments

comments