Somaliland: “Qabyaalad Siilaanyo Ayaa Innoogu Horreeyey Oo Inta Gar-Adag Reerkoodu Ku Shiray Yidhi Reer Hebel Baanu Nahee Kaasaanu Wadanaaye Nala Doorta”.. Eng. Maxamed Xaashi

184

“Isma Qabato Saboolnimadeena Iyo In Wasiirradeenu Kor U Dhaafaan 57 Wasiir Madaxduna Wadato Gaadhi Ka Ugu Jabani Yahay 60-Kun Oo Dollar” ..Eng. Maxamed Xaashi

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka ayaa sheegay in tan iyo mudadii ay xukuumadda KULMIYE talada dalka haysay dalku galay xaalad go’doon siyaasadeed ah, dhaqaale xumo iyo maamul xumo halkii ugu darnayd isaga oo sheegay in doorashadii Madaxweyne Siilaanyo ahayd mid dalka u hor seedday qabyaalad aad u ballaadhan maadaama markii hore qabiilkiisu inta ay gar-adag fadhiisteen yidhaahdeen kaasaanu wadanaaye nala doorta.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo shalay warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in guddida dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay tahay mid dhibaato dhaqaale uun soo kordhinaysa oo aan waxba keenayn isaga oo dhaliilay tiradooda oo badan iyo in ay yihiin dad kala dano ah oo meelo kala duwan jooga halka uu sidoo kale aad u dhaliilay siyaasadda xukuumadda ee Ictiraaf raadinta iyo wada hadalada ay Soomaaliya la waddo.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay sida aynu uga cabanayno dhaqaale la’aan iyo abaaro iyada oo tirada xukuumaddeenu kor u dhaaftay 57 Wasiiro, Wasiiu-dawlayaal iyo Wasiir Xigeeno isaga oo dhinaca kale wax aan la aqbali Karin ku sheegay qaabka Madaxweyne Siilaanyo safarrada u galo ee waddooyinka loogu xidho.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Dawladdan yar ee saboolka ayaynu nidhaa, waxa aynu nidhaa ma haysato ictiraaf oo waa dawlad yar oo aan waxba haysan, taasi ayaa haddana leh 57-Wasiirr, Wasiiru dawlayaal iyo wasiir ku xigeenno leh arrinkaasi ma aha wax caqliga fayaw gali kara. Waa khasaaraha ugu weyn ee maanta inna haysta.

Lacagta halkaa galaysaa waxa ay ahayd in umadda wax loogu qabto. 17-kan guddida loo saaray ee aan waxba soo saarayn iyana waa khasaare kale. Xoolihii aynu umaddeena u habayn lahayn ee aynu abaaraha kaga bixi lahayn ee aynu dhallinyarada shaqo abuur ugu samayn lahan ayaa sidan loo baabiinayaa.

Sannad walba waxa jaamacadaha ka soo baxaya intaasoo kun oo arday ah oo shaqo u baahan. Kuwii hore ee suuqa joogayna way shaqo la’ yihiin. Wixii wax loogu qaban lahaa waataasi la baabi’inayo. Waxaad arkaysaan marka uu Madaxweynuhu safar tagayo inta gaadhi ee qaali ah la wato.

Waxaad aragteen inta gaadhi ee Lixdan iyo Konton kun la siiyo ee is daba gala ee dariiqyada loo xidho. Ee miskiinkan booliska ah inta aroortii la soo kiciyo shanta subaxnimo la odhanayo dariiqaa taagnow. Kolkuu dhaafana lagaga dareero halkaasi safrad ayaa laysa, waa ayaan darro.

Waxa ay ahayd in ay dadka sidan uga naxariis bataan oo hadduu Madaxweynuhu imanayo ama sii baxayo iska yimaad oo inyar oo askar ah oo dhar cad ah uun loo diyaariyo. ma aha in dariiqa loo xidho oo dadka loo xannibo. Umusha dhakhtarka lagula cararayo inta la xidhi jidka la yidhaa Madaxweynihii ayaa halkan maraya oo ma mari kartaan. Waa wax aan loo baahnayn.” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Maaliyaddu isaga oo intaasi ku daray: “Doorashooyinkii hore ee Somaliland soo maray qabiil waxba laguma dooranayn.

Doorashadii Cabdiraxmaan ee Burco ayaa ugu horraysay qabiil laguma dooran. Doorashadii Cigaal baa ku xigtay oo qabiil laguma dooran. Doorashadii Daahir Rayaale qabiil laguma dooran. Kan ugu dambeeyey waxa lagu doortay qabiil. Inta gar-adag lagu shiray ayaa la yidhi haddii aanu reerhebel nahay kaasaanu wadanaaye hanaloo doorto.

Waxa aad moodaa qabiilkii in aad innoo xulay nasiib darrooyinka inna haysta ayay ka mid tahay maanta. Waxaan rajaynayaa in da’ yartu ka baxdo qabiilka. Danta umaddu waxa ay ku jirtaa in mabda’ lagu shaqeeyo. Ictiraafka Soomaaliya laga raadinayaa ictiraaf ma noqonayo, Lagamana helayo, loomana baahna, waa madadaalo iyo wakhti shacabka reer Somaliland laga luminayo. 17 qof oo guddi ah sida la isugu keenaa aadbay u adag tahay oo midiba meel joogo. Wax caqli ku dhisan ma aha. Qaabka loo doonayo ictiraaf raadintana meel khalad ah ayay ka raadinayaan. Shirkii ugu horreeyey ee soomaaliya loo qabtay ayaynu ka qayb gallay. Aniga iyo inantii Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ahayn waannu diidnay berigaas oo waxaanu nidhi arrimaheenu Soomaliya kuma xidhna ee innaga ayay innagu xidhan yihiin. Adiga oo aqbalay hay’adaha waddanka joogaa in ay ku joogaan magaca Soomaaliya oo aad hadana tidhaa ictiraaf baan raadinayaa waa wakhti lumis dadka lagaga luminayo. Dadka ayaa been loo sheegayaa. Waxaan soconayn ayay wadaan.

Waxa ay ahayd in hay’adaha magaca Soomaaliya ku jooga la yidhaa naga baxa. Waxa yar ee ay leeyihiin waanu idin siina la yidhaa haysta. Waxeena in aynu hagaajinayo weeyi. Inta yar ee ay inna siiyaan in ka badan ayaynu khasaarinaa. Maqaalkii aan qoray ee ahaa Somaliland waxa ay saboolnimada kaga bixi kartaa 10 sanadood waxa aan ka soo qaatay daraasad aan ku sameeyey miisaaniyaddeena oo aan ogaaday in 65% ay ku baxdo wax aan loo baahnayn. Waxa aad arkaysaa in aynu khasaare badan ku jirno”.

Ugu dambayn Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland waxa uu aad u dhaliilay hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka hawl gala oo uu ku sheegay kuwo inoola macaamila sidii qayb yar oo ka mid ah Soomaaliya sidaa darteed loo baahan yahay in tallaabo adag laga qaado.

Comments

comments