Somaliland: Kulan Xalay Dhex Maray Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Iyo Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Ajandaha Uu Daranaa Kulanku

117

Waxa habeenimadii xalay ahayd kulan casho ah wada yeeshay masuuliyiinta xisbiyada Wadani iyo Kulmiye oo ay horkacayaan gudoomiyayaasha Labada Xisbi Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi.

Waxaana kulan oo ka dhacay Hido Dhawr uu ahaa mid ay masuuliyiintu isku laab xaadhayeen Xisbiyada Wadani iyo Kulmiye kadib loolan adag oo kusoo dhex maray labada xisbi gobolka awdal.

Waxaana kulan oo saacado badan qaatay uu sida la sheegay kusoo dhamaaday is afgarad iyo inay u tartamaan xisbiyadu si milgo iyo sharafi ku jirto isla markaana ay ilaaliyaan quluubta shacabka.

Si kasteba ha ahaate ma jirto warar rasmi ah o kasoo baxaya kulankan ay wada yeesheen masuuliyiintu xalay.

Comments

comments