Baydhabo: Tobonaan qof oo ku geeriyoodey qaraxyo is-miidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo

Laba qarax oo xooggan ayaa ka dhacay Bartamaha xarunta gobolka Baay ee Baydhabo gelinkii danbe ee Axadda saacaddu markey ahayd 17:00.

Qaraxa kowaad waxaa fuliyey nin 5o sano jir ka weyn, kaas oo isku dhex qarxiyey Maqaaxida Beder oo ku taalka bartamaha magaalada Baydhabo.
Qaraxa labaad ayaa ka dhacay Hotel Baydhabo waxaana lo adeegsadey gaari lagu soo raray Boom.

Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhacay maqaaxida Beder, sida uu sheegayo Weriye Siraaji oo ku sugan Baydhabo waxaana ilaa hadda la og yahay dad ka badan 20 qof ay ku geeriyoodeen weerarka Maqaaxida Beder.

Goobaha la weeraray ayaa ka mid ah meelo ay caan ku yihiin in ay fariistaan ama degaan dadka siyaasiyiinta ah iyo kuwa qurbe-joogta ah. Dadka ku dhintay waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda hub ka dhigista ee maamulka Koofur Galbeed.

Dadaka ku dhaawacmey ayaa la sheegayaa in ay ka badan yihiin 50 qof. Weriyaha Radio Muqdisho ee Baydhabo ayaa sheegaya in uu yahay weerarkii is-miidaamin ah ee ka dhacay Baydhabo kii ugu xumaa muddooyinkan.

Weerarkan ayaa yimid kadib kii Muqdisho ka dhacay maalintii Jimacada ee la soo dhaafey, kaas oo al-Shabaab u isticmaaleen bom culeyskiisa lagu sheegay 200kg.

Comments

comments

SHARE