Somalia: oo Kenya ka dalbatey in ay jawaab ka bixiyaan dhacdadii Jomo Kenyatta Airport

110

Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysey ka hadashey dhacdadii Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta maalintii Sabtida, kaas oo lagu xanibey wefdigii Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke sida ay qortey warbaahinta Kenya isla markaana uu warbaahinta u sheegay Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu horeyntii sheegtey in ay aad uga xuntahay dhacdadii ka dhacday garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay Transit ku ahaayeen wafdi uu hogaaminayay Raysul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ku wajahnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan shirka heerka sare ee wadatashiga Istanbul, (HLPF).

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Raysalwasaaraha iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ay heleen soo dhoweyn heer sare ah (VIP Reception), haddana waxaa caqabad iyo dib u dhac la kulmay xubnihii kale ee wafdiga oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in iyaga iyo dowladda Kenya, horay u kala saxiixdeen heshiis is-faham (MOU), kaasi oo dhigayay in xubnaha sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xildhibaanada Baarlamaanka inay helaan ogolaansho dal ku gal waqti kasta (issuance of visas on arrival) mar kasta oo ay u safraan dalka Kenya, iyada oon dib u dhac laheyn, waxaase nasiib darro ah in dowladda Kenya ay jebisay heshiiskaasi.

Ugu danbeyntii Dowladda Soomaaliya ayaa cudur-daar rasmi ah ka dalbatey Dowladda Kenya iyo faah faahin la xiriirta dhacdadaasi iyo sababta keentay xanibaada wafdi heerkiisu sareeyo oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada.

Gabagabadii, dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ka fekereysaa jawaabta ku haboon ee dhacdadaan, ay ka bixineysol.

Dowladda Kenya ayaan si rasmi ah weli uga hadlin wixii ka dhacay JKIA maalintii Sabtida, waxaase sarkaal sare oo garoonka u hadley ku gaabsadey in wefdigu ku xadgudbey Baratokoolka, isla amrkaana aysan soo marin Wajeer.

Comments

comments