Somalia: iyo Turkiga oo kala saxiixdey heshiis tamarta ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan kula qaatey magaalada Istanbul dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kahor inta aanu furman shirka 6 aad ee madasha sare ee looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid kooban oo ka dhacay Hotel Conrad ayaa labada dhinac uga wada hadleen xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana ay ku kala saxiixdeen heshiis dhanka Tamarta iyo Korontada ah oo dalka Turkigu ka fulinaayo Soomaaliya.

Erdogan ayaa sheegay in ay sii dar-dargelinayaan taageerada Soomaaliya, halka Madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahad celiyey madaxweynaha Turkiga gacantii ay ka geysteen dib u dhiska dalka.

Comments

comments

SHARE