Somaliland: “Dawladihii kala Dambeeyay ee Somaliland marna may keenin Baarlamaanka Gobolnimada Gabiley……”

125

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)ayaa ka hadlay ansixinta gobolnimada Gabiley.

Mudane Cirro waxaa uu xukuumada ku dhaliilay inaanay golaha wakiilada usoo gudbinta ansixinta gobolkaasi isagoo sheegay in Xisbiga Waddani uu diyaar u yahay Ansixinta gobolka Gabiley.

Guddoomiye Cirro oo Maanta Gabiley soo maray isaga iyo wafti uu hogaaminayo oo   kasoo laabtay safarkii Samawade ee gobolada Galbeedka Somaliland  waxaa uu ugu horeyn ka hadlay “Gobalnimada Gabiley Allaha u naxariistee Sanjab ayaa bilaabay kaambaynkeeda, Xisbigii dhameynayay waa Waddani, dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland in la ansixiyo gobolnimada Gabiley baarlamaanka may keenin, waxaana u hadhay (Xukuumada) toban bilood ,haday ku keenaan tobankaasi waxaanu balanqaadaynaa inaanu ansixino.”

Guddoomiye Cirro waxaa uu intaasi ku ladhey oo uu yidhi“Xisbiga Waddani waxaa uu reer Gabiley u balanqaadayaa inuu wado Ansixinta Gobolkaas, waxaanu ka codsanaynaa reer Gabiley inay ka qaybqaataan isbadalka soo socda ee uu waddo xisbiga Waddani”

Comments

comments