Somalia: Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxay Madaxweynaha Iyo Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Ah Ee Somaliya.

154

Wararka laga helayo madaxtooyada dalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in khilaaf cusub uu iminka ka dhex curtay madxaweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Khilaafkan ayaa sida la sheegayo, waxa uu ka dhashay qaabka loo magacaabayo safiirada cusub ee dowladda Soomaaliya u matali doona dalalka saaxiibada la ah iyo safiiro xilalka laga qaadi lahaa.

Raysal-wasaare Sharma’arke ayaa gollihiisa wasiirada la hor yimid, liis dheer oo ay ku qoran yihiin illaa 11 safiir oo u badnaan doona kuwo cusub iyo kuwo lagu bedeli doono qaar kamid ah safiirada dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka oo uu is badal ku samaynayo raysal-wasaaruhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu haatan doonaya in rabitaankiisa lagu maamulo dalka ayaa waxa uu is hortaagay liiska uu soo diyaarsaday raysal-wasaare Cumar, kadib markii uu Sharma’arke isku dayey in safiiro iyo qunsuliyado uu wato Xasan Sheekh Maxamuud hawada laga saaro laguna bedelo shakhsiyaad kale oo badala.

Madaxweyne Xasan oo ka duulaya liiskaasi, ayaa habeenimadii xalay kulan ay isku garan wayeen la qaatay raysal-wasaaraha.

Dhanka kale, waxa jirey khilaaf salka ku haya khilaafka Puntland iyo faderalka oo baryahanba ay ku kala aragti duwanaayeen Madaxweynaha iyo Raysal-wasaarihiisu.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligan la wareegay liiskaas uu soo diyaariyey raysal-wasaare Sharma’arke, waxaana lagu wadaa in Xasan Sheekh uu wax badan ka bedelo isagoo kusoo biirin doona xubno cusub oo ka socda dhankiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in ka hor inta uusan qaban doorashada uu safaaradaha ugu muhiimsan u gacan galiyo saaxiibadiisa si ay uga gacan siiyaan sidii uu mar kale kusii joogi lahaa xafiiska madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Comments

comments