Somalia: Buuq hareeyay Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka kadib markii ay imaan waayeen Wasiirka Amniga & Taliyaha Nabadsugida

121

Kalfadhi ay maanta ku lahaayeen magaaladda Muqdisho Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa kusoo dhamaadey buuq.

Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha nabadsugidda C/raxmaan Tuuryare ayaa la filayay in ay maanta mar kale horyimaadaan Baarlamaanka si ay Xildhibaanada uga jawaabaan suaalo la xiriira amaanka.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Awad ayaa kahor akhriyey mudaneyaasha waraaq ka timid Wasiirka amniga oo uu ku dalbanayo in waqti kale uu hor yimaado Baarlamaanka, arrintaas oo ay si weyn uga biyo diideen Xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale diidey in ay guda galaan ajandayaasha kale ee fadhiga maanta oo ay ku jireen ansixinta sharciyo la horkeenay Baarlamaanka.

Kalfadhiga ayaa ugu dambeyn Xildhibaanada ku kala dareereen iyadoo gudoonka isku dayey in mudaneyaasha ku qanciyo in howlaha kale ee horyaala la dhameystiro.

Todobaadkii hore ayay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugidda dhaliilo kulul kala kulmeen Xildhibaanada Baarlamaanka arrimo la xiriira amaanka iyo go’aanka cusub ay dowladda soo rogtay oo ah in la baaro Xildhibaanada ka dhoofaya garoonka diyaaraddaha Muqdisho.

In badan oo kamid ah Xildhibaanada ayaa ku dhaliilaya Wasaarada iyo Hay’adaha Amniga inay ku fashilmeen sugida amaanka magaalada Muqdisho, waxayna ku tilmaameen hadalada kasoo baxaya mas’uuliyiinta amaanka kuwo aan xal dhab u ahayn xalinta amni xumada caasimada, dhaliishan oo sii xoogeysatay kadib qaraxii lala beesaday diyaarada Daallo Airlines bilowgii bishan oo la xaqiijiyey inay fududeeyeen xubno ka tirsan laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho.

Comments

comments