Somaliland: Maxaa ka Dhexeeya: Guddoodigii Soo Laabashada Muuse Biixi + Weerarkii Lughaya Iyo Kabtay Meedaydii Saylici?

Weerarkii dablayda hubeysani Arbacadii Todobaadkan ku qaaday sanduuq yaaley goob diiwaan-gelineed lagu magacaabo Hadayta oo ka tirsan degmada Lughaya, ayaa badka soo dhigay doodo iyo loollano siyaasadeed oo markii hore huursanaa, kuwaasoo iskugu jira kuwo nuxur ahaan ku taxaluqa kala jiidashada Deegaano qaybaha bulshada ee ku dhaqani ku muransan yihiin gobolka hayb-ahaan ay Codadkooda la wadaagayaan xilliga doorashooyinka, iyo sidoo kale, xafiltano-siyaasadeed oo sida falkan ka muuqata u dhexeeya labada Musharax ee jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ugu tartamaya Xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaacil Saylici.

Dablaydii falkan geysatay, ayaa sida Taliyaha iyo afhayeenka Ciidamada Booliska Warbaahinta u xaqiijiyeen gacanta lagu soo dhigeen, waxa kaloo Ciidamada Boolisku soo bandhigeen Hubka iyo gadiidkii kooxda Dablayda ahi hawlgalka Weerarka ah ku fuliyeen, sidoo kale, hoggaanka Ciidanka Boolisku waxa ay cadeeyen in xubnihii falka fuliyey ay ku jireen hoggaamiye dhaqameedyo isku jira Cuqaal iyo sulaadiin, kana tirsan Beelaha ku dhaqan Waqooyiga iyo Galbeedka gobolka Maroodi-jeex. “..Falka waxa fuliyey 15-qof, waxanay hawlgalka ku fuliyeen Hubkaa aad arkeysaan iyo gaadiid. Kooxda falkan geystay oo aan odhan karo waxa ay ahaayeen kuwo lasoo qabtay iyagoo danbigii farraha kula jira, sida uu dhigayo qodob kamid ah Xeerka Ciqaabta guud…”. Waxa sida yidhi Afhayeenka Ciidamada Booliska.

Sidoo kale, waxa kaloo Afhayeenku intaa ku daray, isagoo faahfaahinaya agaasimka iyo hawlgalkii weerarka in hawlgalkan ay hoggaaminayeen Suldaan Ibraahin Sulub Nuur iyo Suldaan Mawliid Cali Ibraahin (Sabeyso). “..Hawlgalkan waxa hoggaaminayey labada Nin ee Sulaadiinta ah ee Suldaan Ibraahin Sulub Nuur iyo Suldaan Mawliid Cali Ibraahin (Sabeyso). Sida aynu la socono Sulaadiinta waxa lagu yaqaanay nabad iyo inay collaadaha beelaha bakhtiiyan, laakin sullaadiinta oo dhan maahee, waa kuwa falkan lagu hayo ee Qoryaha sitay..”. Inkastoo Taliyaha iyo afhayeenka Ciidamada Boolisku shir-kooda jara’idku sheegin goobta iyo halka ay ku xidhan yihiin maxaabiista halgalka lagusoo qabtay, balse haddana Warar Wargeyska Yool helay ayaa lagu sheegay in eedeysanayaashii falka loo soo qabtay in la keenay magaalada Hargeysa, kuna xidhan yihiin Xarunta danbi baadhista CID-da.

Dhan kale, dhacdadan ayaa sida aynu kor-kusoo sheegnay, waxa saansaankeedu  iftiimiyey iffafaaleyaal muujinaya tuhuno la xidhiidha in hawlgalka kooxda dableyda ahi, uu yahay mid xidhiidh la leh khilaaf ku saabsan deegaanada lagu muransan yahay oo ka dhexeeya Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha md. Muuse Biixi Cabdi iyo Murashaxa Madaxweyne ku-xigeen Xisbiga Md. Saylici. Dadka aragtidan qaba ayaa dhacdadan u arka inay tahay mid hab qorsheysan ku dhacday, balse aanay ahayn mid ku timi hab aan ujeedo laga lahayn.

Hase-yeeshee, arrintani khilaafkeedu uu ahaa mid in muddo ah soo jiitamaayey, balse markii uu horeysay ee labada masuul si foolka fool ah uga wada-hadleen ay ahayd mudadii ay ku gudo jireen safarkii ay ku tageen Gobolka Awdal Muj. Muuse Biixi iyo Md. Saylici, xilliyadaas oo sida dadka aragtidan qabaa ku doodan markii labada masuul ka wada-hadleen arrimaha la xidhiidha labada gobol ku muransan yihiin isku afgaran waayeen. Taasina ay noqotay mida sababtay laba dhacdo oo dadka fikirkan qabaa soo daliishadan, kuwaasoo kala ah, soo labaashadii degdega ahayd ee Md. Saylici iyo dareenadii saluuga lahaa ee xubnaha waftigooda dadka deegaanku ku qaabileen, sidoo kale, gudoodigii soo laabashada Gudoomiye Muuse Biixi, oo isagu aan dib-ugu laaban magaalada Boorama oo xudun u ahayd safarkiisa, balse uu si toos ah ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee Casimadda Somaliland.

Docda kale, dadka qar ayaa dhacdadan Lughaya u arka inay tahay midaan wax xidhiidha ah la lahayn khilaafkii dhulka uu ka dhexeeyey gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal, kuwaasoo tan iyo intii hanaanka Xisbiyada badani ka hano qaadeen Somaliland aan wax sanduuq ah la geyn deegaanada lagu muransan yahay, marka laga reebo Doorashadii aqalka Madaxtooyadda ee 2003-kii iyo Diiwaan-gelintii 2008-dii ka dhacday dalka, isla markaana lagu galay Doorashadii 2010-kii, labada doorasho, oo sida ay Wargeyska Yool u sheegen hawl-wadeeno xog-ogaal uu ahaa arrimaha Doorashooyinka Codadkii laga soo qaaday dadka deegaanada ku dhaqan,  lagu dari jiray kaddib tirada guud ee ka Codeysan dalka oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, waxa dooduhu soo af-go’i doonaan xaqiiqaduna soo bixi doonta Todobaadyada soo socda, marka lasoo af meero baadhitaanada dhacdadan la xidhiidha.

Comments

comments

SHARE