Somalia: Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka codsaday beelaha Hiiraan inay dib ugu noqdaan shirka Jowhar

101

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo Khamiistii shalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa kulamo la yeeshay oday dhaqameedka beelaha gobalka Hiiraan oo horey uga soo baxay shirkii ka socday magaalada Jowhar ee lagu dhisayey maamulka Gobala Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweynaha ayaa isku dayaya inuu saxo khaladaad horey uga yimid dhanka Dowlada Federaalka oo ay beelaha gobalka Hiiraan ku eedeenayan inay ku deg degtay go’aano kamid ah goobta Caasimada laga dhigayo maamulka la dhisayo iyo waliba qeybinta ergooyinka iyo guddiga Farsamada oo ay sheegeen in loo kala badiyey beelaha degen labada gobal.

Wareegto Madaxweyne ayaa horey loogu go’aamiyey in shirka lagu qabanayo Jowhar, halka lagu sheegay in Caasimada maamulka la dhisayo ay noqon doonto magaalada Buule-Burte ee gobalka Hiiraan, arrintaasi oo bilowgii shirka ay si toos ah uga horyimaadeen inta badan beelaha ku dhaqan gobalka Hiiraan oo iyaga xoogooda taageersanaa in caasimada laga dhigo Beledweyne.

Balse waxaa khilaafka sii xoogeystay markii la isugu tagay magaalada Jowhar, iyadoo maalmo kadib ay shirkaasi isaga soo baxeen wafuudii ka timid gobalka Hiiraan oo sheegay in ay kasoo horjeedaan qaabka Wasaarada Arrimaha Gudaha u wado shirkaasi.

Illaa iyo hada faah faahin lagama bixin in Madaxweynaha ku guuleystay inuu beelaha gobalka Hiiraan ku qanciyo in dib loo furo shirka ka socday Jowhar oo ah halka la sheegay in lagu soo dhisi doono maamul gobaleedka ugu danbeeya ee xubinta ka noqon doono Dowlada Federaalka, arrintaasi oo kamid ah qodobada ugu waaweyn ee horyaal dowlada kahor xiliga lagu balamay in la qabto doorashada dhamaadka sanadkan.

Xubno kamid ah wafdiga Dowlada Federaalka oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegaya in kulankii shalay gelinkii danbe dhexmaray Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ee Hiiraan looga hadlay in wax laga bedalo nidaamka ay Wasaarada Arrimaha Gudaha ku maamuleysay shirka Jowhar arrintaasi oo ay odayaasha shuruudo uga dhigeen ka qeyb galka Jowhar, halka Madaxweyne Xassan Shiikh uu ku baaqay in marka hore dib loogu noqdo shirka Jowhar kadibna halkaasi lagu saxo cabashooyinka ay sheeganayaan beelaha ku dhaqan gobalka Hiiraan.

Comments

comments

SHARE