Somaliland: Waftigii Sama-Wade Ee Gudoomiye Cirro Oo Kusoo Guryo Noqday Magaalada Borama Iyo Soo Dhawayn Lagu Qaabiley

90

Weftigii SAMA-WADE ee xisbiga WADDANI oo muddooyinkii dambe muddo afar caano maal ah socdaal ku maraayey deegaanada goballada Awdal iyo Salal isla mar ahaantaana u kuur gelaayey qaabka ay u socoto diiwaan-gelintu, ayaa goor dhaweyd dib ugu soo guryo noqday magaalada Boorama ee caasimadda Gobalka Awdal

Weftigan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo mas’uuliyiin kale, ay si ballaadhan u soo dhaweeyeen una qaabileen xoogaga taageerayaasha isbedal doonka ah ee deegaanada degmooyinka Lughaya illaa degmada Baki ee gobalka Awdal.

Waxaana taageerayaashan ay ku dhaqaaqayeen hadalo ku taageerayaan sida oo kalen ku muujinayaan farxad ay u qabbaan booqashada iyo la kulanka madaxda mustaqbal ee hoggaaminaysa weftiga SAMA-WADE, iyaga oo carabka ku dhuftay in ay mar walba hiil iyo hooba ay la barbar taagan yihiin xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna  tuulo tuulo iyo degmo degmo ula hadlaayey shacabka ku dhaqan deegaanaddaas, sida oo kalena cabaar la fadhiyaayey, si uu xog-oggaal ugu noqdo xaaladdooda nololeed, ayaa sheegay in uu aad uga mahad-celinaayo qaabka suuban, bilicda san sida oo kalena agaasiman ee ay u qaabileen taageerayaasha isbedal doonka ahi, waxa kale oo uu Alle uga baryey in uu ka soo qabboojiyo abaaraha baahsan ee ka jira deegaanaddaas, isaga oo u ballan-qaaday in uu wax qaban doono baahiyaha aas aasiga ah ee deegaanaddaasi, sida oo kalena uu ka shaqeyn doono horumarinta bulsheed iyo deegaanba

Ugu dambeyntiina guddoomiye Cirro iyo weftigii uu hoggaaminaayey waxa ay dib ugu soo guryo noqdeen magaalada Boorama oo ay afar caano maal ka hor ka billaabeen socdaalkii labaad ee SAMA-WADE oo ay ku marayaan gebi ahaanba deegaanada iyo goballada Somaliland. Waxaana la filayaa in weftigu uu muddo dhawr cisho ah oo dambe uu sii joogi doono magaalada Boorama, iyada oo halkaas ay xaflado soo dhaweynno ah u samayn doonaan taageerayaal isbedal doon ah oo ka soo diga-rogtay xisbiga KULMIYE.

12715461_586368578178685_2636468419058694411_n 12743530_586471398168403_2043117892809073982_n 12705605_586471488168394_3677256037288425103_n 12715434_586471391501737_6260124935358612922_n

 

Comments

comments

SHARE