Somaliland: Taliyihii Laanta Socdaalka Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay

127

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa  xilka ka qaaday Taliyaha laanta socdaalka Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf, ka dib markii  uu qawaday waajibaadkiisa shaqo.

Ilo looga qaateen ah, ayaa sheegay in maanta Wasiirka Arrimaha Guduhu uu Taliyaha cusub ee laanta socdaalka Somaliland uu u soo magacaabay  Taliyihii hore ee laanta socdaalka  Mr. Maxamed Cismaan Caalin oo loo yaqaano (Dayib) oo xilka laga qaaday bishii April 2012-kii.

Wasiirka Daakhiliga, ayaa sharciyan magacaaba  Taliyaha laanta socdaalka. Xilka qaadista Taliyihii laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf, ayaa ku soo beegantay iyadoo danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Nairobi Maxamed Cali Ameeriko  uu socdaal aan ujeedadiisa la garaynin ku yimid Somaliland oo uu ku dhex mushaaxayay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera muddo todobaad ah, oo aanay  laanta socdaalku waxba ka qabinin.

Comments

comments