Somaliland: Siyaasi Liibaan Maaweel Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Hadallo Uu Muj. Ooto Biixi Ku Weeraray Wasiir Cali Mareexaan

153

Siyaasi  Liibaan Maaweel Shire ooh ore uga tirsanaan jirey bahda Saxaafadda, balse haatan ah siyaasi madax bannaan, ayaa jawaab waafi ah ka bixiyey hadallo uu dhawaan Mujaahid Ooto Biixi ku weeraray wasiirka wasaaradda Hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Somaliland Md Cali  Xasan Maxamed(cali-marreexaan).

Siyaasi Liibaan khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Hubaal, ayaa mujaahid Ooto Biixi uga digay inuu ka baydho milgaha hadalka iyo hannaanka qarran-nimada, isla-markaana uu qaab beelaysan wax u weeraro. Siyaasi Liibaan Maaweel waxa uu meesha ka saaray warar kasoo baxay afka Mujaahid Ooto Biixi oo uu ku sheegayey inuu wasiir Cali-marreexaan xadhig la doonayo siyaasi Cabdi Haybe, waxana uu yidhi,, “mujaahid Oto Biixi waan uga hanweynaa  inuu reer u hadlo, Cabdi Haybe-na waa nin weyn oo sharaf leh oo xasaanad leh, annaguna cid doon doonaysa ma aanu maqale haddii  uu wasiirka wax ka tirsanayo inuu u tagaa bay ahayde.”

Liibaan  waxa uu farriin u diray Mujaahid Ooto Biixi, waxana talo ahaan ugu soo jeediyey inuu ka waantoobo hadallada deel-qaafka ah ee Siyaasiyiinta xilka haya ku afwaajahayo,“Oto biixi waa mujaahid  kamid ah dhallinyaradii  dalka usoo halgantay, xisbiga  Waddani-na waa xisbi qaran oo jira oo maalin uun laga yaabo  inuu talada dalka qabto’e waxba yaanu ku galgalan, Hargeysa-na hakala qaad qaadin cali-marreexaan-na waa wasiire waxba ha ribaynin oo wax aanu qabin ha saar saarin.”ayuu yidhi Liibaan Maaweel Shire. Siyaasigu waxa uu Mujaahid Ooto Biixi ugu baaqay inuu ka fiirsado hadallada uu ka sheegayo siyaasiyiinta ay kala afkaarta yihiin, waxana uu kula taliyey inuu iska dhaafo shakhsi weerarka iyo raad-raaca qabyaaladda.

Comments

comments