Somaliland: “Isku Shaandhayntu Wax La Isku Mashquuliyo Maaha, Ninkii Adhiga Raaci Kari-waayayna Geelle Ayaa La Raaciyaa” Cali-guray

129

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa isku shaandhayntii Madaxwaynaha Somaliland todobaadkan sameeyey ku macneeyey mid dhabarka lagaga jebinayay murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Cali Gurey ayaa sidoo kale sheegay inaan isku shaandhayntaas aanay ku jirin dad la mahadin karo maadaama isku bedel uun la sameeyey, waxaana uu xusay inaanay tasi waxba soo kordhin doonin. Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxba isku shaandhayn ha ka hadlina waayo la bedelay kuwa lagu bedelay ayaa ka liita, Ninkii adhiga raaci kari waayayna geela ayaa la raacinayaa markaa wax la isku mashquuliyo maaha waayo Madaxtooyadu iyada ayaa mucaaridka u shaqaynaysa haddii aanu xitaa iskaba seexano. Muuse Biixi-gan ay soo sharaxday ayay dilaysaa oo aanay taageerayn, Tallabadii kasta ee ay Xukuumaddu qaadaaba mid Muuse Biixi ayay dhabarka ka jebinaysa isna iska garan maayee taageero ayuu u haystaa.” ayuu yidhi Cali Gurey.

Comments

comments