Somaliland: Guddidii Sixir Bararka oo kulan isugu yimid maanta.

130

Guddidii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u xilsaaray sixir bararka iyo la dagaalanka hoos u dhaca shillinka Somaliland, ayaa galabta kulan ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd sidii looga daba tegi lahaa Go’aamadii iyo dedaaladii ay hore guddida iyo ganacsatada dalku isula meel dhigeen ayuu shirkanina daba socday.

Shirkan oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) unna dhamaayeen guud ahaan Xubnihii guddidii madaxweynuhu magacaabay ayaa maalmaha soo socda sii amba-qaadidoona shirar muhiima oo ay ugu kuurgelayaan wixii hore loogu heshiiyey iyo wixii ka qabsoomay ama ka fulaynba.

Waxaana maanta shirkaasi si weyn loogu lafo-guray aragtida ay guddidu ka dhaxashay mudadii lagu guda jiray arrimahan Sixir bararka iyo la dagaalanka hoos u dhaca shillinka Somaliland, iyo aragtiyaha wax ku oolka ah ee xubin walba uga muuqday shirarkii ay hore u galeen iyo fikirka ama aragtida suuqyada ee wakhtigan, arrimahaa iyo kuwo kale oo ay guddigu isla gorfeeyeen ayaa la filayaa in lagu soo qaadi doono shirarka fooda inagu soo haya ee ay guddidu yeelan doonto una balan san yihiin.

ALLAA MAHAD LEh

12729093_909029212544266_3039403683967866341_n 12744581_909029275877593_3361389057636203071_n

Comments

comments