Madaxweynaha Puntland iyo wefdigiisi oo Adis Ababa lagu soo dhaweeyey

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigii uu hoggaaminaayey ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Caasimadda Itoobiya ee Adis-ababa halkaas oo uu martiqaad ka helay.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxaa xarunta Itoobiya ee Addis Ababa kusoo dhoweeyey xubno ka socoda golaha Wasiirada Xukuumadda Itoobiya oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom, Wasiiru Dawlahaha Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taye Atske, Wasiirka Arrimaha Bulshada, Wasiirka Ganacsiga, Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Ambassador Wondimu Asamnen iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi kadib waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom oo ay weheliyaan , Wasiiru Dawlahaha Madaxa Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taye Atske iyo Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Wondimu Asamnen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa sheegay in ay Madaxweynaha Puntland ka wada hadleen doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2016.

Comments

comments

SHARE