Somaliland: Xukumada oo Ciidamo badan ku daabushay si ay u dajiso Xiisada ka taagan Dekeda Ceel-gardi

130

Dhaqaqaaqa Ciidamo Dheeraad ah Oo La Geeyay iyo Hadalhaynta Dadweynaha Ee Maamulka Gobolka iyo Ka Degmada Berbera Berbera:Dhaqaqaaqa Ciidamo Dheeraad ah Oo La Geeyay iyo Hadalhaynta Dadweynaha Ee Maamulka Gobolka iyo Ka Degmada Berbera Guud ahaanba Dadweynaha kunool Degmada Berbera ee Magaala Xeebeeda Marsada ugu Weyn Somaliland ayaa, siweyn u hadalhayay maalmihii u dambeeyay dhaqhaqaaqa kasoo kordhey Deegaanka Ceel-garde ciidamada tirada badan ee Xukuumada soo dhoobtey Magaalada Berbera,iyo waliba habacsanaanta ka muuqata Maamulka Goblka Saaxil waxaaney

dadweynuhu ishaafalteysiga mawaadiicda Siyaasadeed iyo nuxurka qalasaasaha Ceelgarde isku hal celinayeen in Xukuumada laf ahaanteedu qeyb ka tahey arimaha taagan xaalada amaan xumo ee kasoo cusboonaatey halkaasi maadaama dabayaaqada deyrtan Maamulka Madaxweyne Siilaanyo u xuubsiibtey in ay laga maarmo Maamul aqoon u leh nidaamka Daladnimo iyo go,aan qaadasho Maamul taas oo sabab u ah in ay soo noqnoqoto arimo lagu dhaqdhaqaajiyo hab beeleedoo salka ku haysa Siyaasada Xukuumada.

Geesta kalena Dadweynaha Kunool Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa siweyn isha ugu haya islamarklaana hadalheyntoodu u badan tahey Maamulka Cusub ee dhawaan loo soo Magacaabay Gobolka Saaxil kaas oo ay xanshashaqa dadweynuhu u badinayaan in marka ay dhinac walba ka eegaan ay ka muuqato aqoon iyo khibrad la,aan ku sahabsan dhinaca Maamulka iyo nidaanka Dawladnimo labadaba taas oo laga dheehan karo bilowgii hawlahihiisa shaqo ee Gobolka halka ay dadka qaarna u fahmeen in uu ku dhaqaaqo oo kaliya waxa uu Maayarku u sheego haseyeeshee, aan garaneyn wali sida uu u waajahayo hawshiisa shaqo ka Gudoomiye Gobol ahaan,waxaanu noqonayaa Gudoomiyaha xiligan ee Gobolka Saaxil Gudoomiyihii afraad ee loo soo magacaabo Gobolka Saaxil mudadii ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo talada dalka gacanta ku haysay.

Comments

comments