Somaliland: “Xooluhu waa tiirka nolosha shacbiga Somaliland”Madaxweyne Siilaanyo

126

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta ka qayb galay shir lagu qabtay Huteelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa, kaas oo ujeedadiisu ahayd La wareegida Sariibad cusub oo loo dhisay Caanalayda, taas oo loogu talogalay sidii loo ilaalin lahaa Nadaafada, Caafimaadka Caanaha xoolaha iyo sidii loo tayeyn lahaa Xanaanaynta Xoolo naaxinta.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xafladaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Xoolaha iyo Caanuhu waa tiirka nolosha shacbiga Somaliland, Mashruucan Caanaha lagu nadiifinaayo waa mid muhiim ah, Waxaan u mahad naqayaa EU oo maal geliysay Mashruuca, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa FOA oo fulisay. Ugu danbayntii waxan shacbiga leyahay aynu ka faa’iidaysano mashruucan muhiimka ah.Waanad mahadsan tihiin dhammaantiinba”

Comments

comments