Somaliland: Wasiir Cadaani Oo Ka Hadlay Xilka Cusub Ee Madaxwayne Siilaanyo U Magacaabay

358

Wasiirkii hore ee wasaarada duulista iyo hawada somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani Ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan xilka cusub ee madaxwayne siilaanyo u magacaabay ee ah inuu ahaado wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland, waxaana uu ka dhawaajiyay inuu aad ugu faraxsan yahay xilkaas una shaqayn doono qaranka Waxaana uu yidhi

“madaxwaynuhu awod distuuriya ayuu u leeyahay inuu waxna badalo waxna xilka ka qaado aniguna Waan ku qanacsanahay waanan ku faraxsanahay wasaaradda uu madaxweynuhu ii bedelay, waanan uga mahadcelinayaa, umaddana waan u shaqaynayaa waxii karaankayga ah”ayuu si kooban u yidhi wasiirka cusub ee wasaarada wafaafinta Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani

SIdoo kalena waxa uu wasiirku shaqaale waynaha wasaarada warfaafinta ka codsaday inay la shaqeeyaan Waxaana uu yidhi

“Madaama aan ahay wasiirka cusub ee warfaafinta shaqaalahana aan badankooda is garanayo waxaan ka codsanayaa inay ila shaqeeyaa waayo hadanay ila shaqayn ana waxba qaban kari maayo”Sidaas uu wasiir cadaani kusoo koobay hadalkiisa

Comments

comments