Somaliland: Oo Gacanta Ku Dhigtay Ajaanib Si Sharci darro Ah Uga Ganacsanayay Daawooyin

Laanta socdaalka Somaliland, ayaa shalay soo qabatay toddoba qof oo dalka si sharci darro ah ku soo galay iyagoo ka ganacsanaya dawooyin aanay rugsad u haysanin inay iibiyaan.

Saraakiisha laanta socdaalka ayaa xaruntooda ku soo bandhigay dawooyinkii ay dadkaasi iibinayeen.

Taliyaha laanta socdaalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dalka ku soo galeen qaab dalxiis ah, isla markaanna wuxuu sheegay in dalka laga masafurinayo toddobadan qof, isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Horta waxa fadhiya todoba shaqsi oo ajenabi ah oo dalka ku soo galay hab dalxiis ah, hase-yeeshe markii aanu dabagal ku samaynay ay dalka ka soo galeen Wajaalle oo ay yimaadeen Hargeysa oo ay muddo meeraysanayeen, waxay tageen magaaladda Berbera oo ay ku iibinayeen Dawooyinkan sifo sharci-darro ah, dawo aan dalka soo marin oo wasaaradda caafimaadku baadhin oo inay dhibaato keenayso iyo inkale aanay iska hubin ayay ku iibinayeen oo falkaasan ku soo qabanay.”Dawooyinka qofka wax ku noqda ama ku dhinta cidii masuulka ka ahayd ee dalka soo galisay ayaa masuuliyadeeda loo raacaya oo dalka aanu ka mastafurinaynaa

Dhanka kale, sarkaal u hadlayay wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in dadka ajenbita ahi aanay wax ogolaanshaha ka haysan wasaaradda caafimaadka “Markii uu taliyaha socdaalku nala so

Comments

comments

SHARE