10 qof oo lagu diley weerar al-Shabaab ku qaadeen degmada Afgooye

128

Malayshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay weerar ku qaadey degmada Afooye oo 28km u jirta Muqdisho.

Weerarka ayaa bilowdey xalay saqdii dhexe waxaana malayshiyaadka al-Shabaab u suurta gashey in ay qabsadaan qaar kamid ah Saldhigyada Afgooye.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootey oo u badan askarta Booliska ee ku sugnaa saldhigyada ay weerareen al-Shabaabku.

Malayshiyada al-Shabaab ayaa isaga baxay Afgooye markii la gaarey salaadda Subax, Waxaana ay sheegteen in ay horey u kaxaysteen gaadiid dagaal, saraakiil ciidana ku dileen weerarkaas.

Ururka al-Shabaab ayaa kor u qaadey weerarada iyo qaraxyada isdaba joogga ah ee ay ku hayaan ciidamada Dowladda, iyo kuwa AMISOM, sidoo kale waxay bilaabeen in ay qaadaan weeraro hoobiyaal ah.

Comments

comments

SHARE