Syria: Qarax xoogleh oo ka dhacay Dimishiq

Car Bomb Blast Kills at Least 8 in Damascus in Syria (file photo)

Weerar bambaano oo Salaasadii shalay ka dhacay waqooyiga magaalada Dimishiq ee caasimada Siiriya ayey ku dhinteen ugu yaraan 10 ruux.

Weerarkan ayaa lala beegsaday goob suuq ah isla markaana ku yaal xarun ay ku nastaan saraakiisha Booliiska, qaraxan ayaa ka dhacay xaafada Masaken Barza oo ah goob ay ku yaalaan xarumo badan ee dowlada Siiriya.

Kooxda ISIS ayaa ku sheegatay inay weerarkaasi ka danbeysay, waxaana la sheegay inuu qof bambaano watay isku qarxiyey xarunta nasashada oo ay booqdaan Saraakiisha amaanka.

Warbaahinta dowlada Siiriya ayaa sheegtay inay ciidamada goobtaasi ku sugnaayeen ay ka hortageen in ninkaasi naftiisa huray uu isku dhex qarxiyo xarunta la wareeray.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey kooxda Daacish weerar loo adeegsaday sadex bambaano ku qaaday magaalada Dimishiq iyo xarun ay siyaartaan shiicada, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof.

Comments

comments

SHARE