CHINA: Cudurka ZIKA oo gaaray CHINA

102

Nin u dhashay dalka China oo dhawaan booqasho ku tagay dalalka Latinka ayaa laga helay cudurka Zika.

Ninkan oo la sheegay inuu yahay 34 sano jir ku nool magaalada Hong Kong ayaa dhawaan dib uga soo noqday safar uu ku tagay dalka Venezuela halkaasi oo la filayo inuu kasoo qaaday cudurkan ay faafiso kaneecada.

Dowlada China ayaa sheegtay in ninkan markii laga helay cudurkan lagu xareeyey xarun gaar ah, isla markaana aysan jirin xiligan cabsi ay ka qabaan inuu cudurkaasi kusii faafo dalkooda.

Astaamaha cudurka Zika waxaa kamid ah Madax-xanuun, Qandho/xumad, Wareer iyo indhaha oo qofka casaada ama guduuta.

Hay’adaha caafimaadka iyo wadamada uu cudurkan ku faafay ayaa xiligan dadaal ugu jira inay hakiyaan cudurkan oo si deg deg ah ugu faafay dalalka Latinka. Waxayna hada xooga saarayaa inay baabi’iyaan kaneecada ka dhalata biyaha ee faafineysa cudurkan.

Nooca kaneecada ee faafisa cudurkan ayaa sidoo kale ku sugan wadanka Soomaaliya walow aan weli la sheegin xiligan in cudurkan ka dilaacay goobo kamid ah Qaarada Afrika. Cudurkan ayaa asalkiisii laga helay baadiyaha wadanka Ugandha.

Comments

comments