Kabtan Xiga Ee Chelsea: Shan Ciyaaryahan Oo John Terry Ka Bedeli Karta Kabtanimada Chelsea Xilli Ciyaareedka Danbe.

Xagaaga 2016 waxa uu waqti qariib ah u noqon doonaa Chelsea iyo taageerayaashooda. Kaliya dib uma fiirin doonaan sida uu xilli ciyaareedkooda noqday laakiin waxa ay sidoo kale waayi doonaan kabtankooda ugu guulaha badan taariikhdooda.

John Terry ayaa ku celiyay axadii in kooxda aysan u soo bandhigin qandaraas cusub islamarkaana inaysan jirin wadahadalo la xiriira in qandaraaska loo kordhinayo. Sidaasi darteed haddii uu baxo xagaaga, ayaa kabtan u noqon doona Chelsea?

Waxaan eegi doonaa shan ciyaaryahan oo John Terry ka bedeli kara kabtanimada Chelsea

Tery

Thibaut Courtois

Inkastoo ay da’diisa tahay kaliya 23 sanno jir, Courtois waxa uu durbaba noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan qolka labiska muddo 18 bilood ah tan iyo intii uu Petr Cech ka bedelay dooqa koowaad ee goolhaye.

Ninka reer Belgium ayaa badanaa la arkaa isagoo ka soo qeylinaya dhabarka danbe ee daafaca afarta ah, waxaana uu soo bandhigay inuu hogaamiye dabiici yahay intii uu joogay Atletico Madrid iyo hadda uu joogo Stamford Bridge.

Da’da iyo qibradiisa ayaase ka horimaan karta goolhayaha tayada leh, laakiin Terry isagaba ma uusan aheyn xiddig qibrad badan leh markii kabtanimada loo dhiibayay.

Taariikhda waxa ay inta badan ina tuseysaa in goolhayayaasha ay soo ahaayeen hogaamiyayaal waa weyn, sidaasi darteed Courtois miyuu raaci doonaa wadadii Iker Casillas iyo Gianluigi Buffon?

1-3

Gary Cahill

Cahill ayaa indhaha soo jiitay afartii sanno ee uu joogay Stamford Bridge, waxaana uu helay fursad uu wax badan kaga barto kabtan Terry oo ay wadnaha daafaca iskala ciyaarayeen.

30 jirkaan ayaa leh qibrad ku filan isagoo ku soo guuleystay Champions League iyo Premier League, halka uu sidoo kale isha ku heyn doono Euro 2016 inuu u ciyaaro England xagaagan.

Waxa uu waayay booskiisa kooxda koowaad ee Chelsea xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu filan doonaa inuu booskiisa dib u helo marka uu Terry baxo, waxaana kabtanimada ay ku dhiirogelin kartaa daaficii hore ee Bolton inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.0

Branislav Ivanovic

Daafaca reer Serbia ayay u badan tahay inuu noqon karo ninka ka bedelaya Terry kabtanimada, madaama uu kooxda joogay tan iyo 2008, waxaana uu ahaa nin aan marnaba muran laga gelinin booskiisa joogtada ah ee kooxda.

Ivanovic ayaa cod ku leh qolka labiska, waxaana uu isbuucii hore saxiixay heshiis cusub oo hal sanno ah, taasoo xaqiijineysa mustaqbalkiisa.

31 jirkaan ayaa wakiil ka ah xiddigihii hore ee Chelsea, laakiin waa xiddig qibrad u leh guulaha, waana ciyaaryahan ay jecel yihiin taageerayaasha.

9 (1)

Cesc Fabregas

Fabregas ayaa weli isku dayaya inuu dib u soo dhiso sumcadiisa ka dib markii ay taageerayaasha ku ooriyeen iyagoo ku eedeeyay inuu sabab u ahaa in la ceyriyo Jose Mourinho.

Laakiin xiddiga reer Spain ayaa ah ciyaaryahan koobab badan oo dhan walba ah ku soo guuleystay, waana hogaamiye qibrad leh isagoo jira kaliya da’da 28 sannadood.

Iyadoo waayaha Terry uu dhamaad ku dhow yahay, Chelsea ayaa u baahnaan karta inay bedelato jihada.

Waxaana ay taasi la micno noqon kartaa in kabtanimada lagu wareejiyo Fabregas, kaasoo kabtan ka soo noqday Arsenal isagoo kaliya 21 sanno jir ah.

Cesc-Fabregas

Comments

comments

SHARE