Canada: oo joojineysa Diyaaradaheeda Duqeeya kooxda Daacish

117
Prime Minister Justin Trudeau addresses media while Minister of Defence Harjit Sajjan, Minister of International Development and La Francophonie Marie-Claude Bibeau and Minister of Foreign Affairs Stephane Dion listen during a press conference in Ottawa on Monday, February 8, 2016. iPolitics/Matthew Usherwood

Xukuumada Canada ayaa sheegtay in bishan dhamaadkeeda ay joojin doonto hawlgaladii Diyaaradaheeda militariga ee ka qeyb qaadanaya duqeynta dhulka ay gacanta ku heyso kooxda Daacish.

Raysalwasaaraha Cusub ee Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in tilaabadan ay tahay mid ay ku doonayaan inay dib u saxaan qaabka ugu haboon oo ay uga qeyb qaadan karaan xiisada ka taagan Bariga Dhexe, wuxuuna dhinaca kale sheegay in diyaaradaha wax basaasa ee hawlgalkaasi ka qeyb qaadanayey ay hawshooda sii wadi doonaan, hase yeeshee 22ka bishan Feberaayo ku eg tahay duqeymaha ay diyaaradahooda ka geysanayeen wadamada Ciraaq iyo Siiriya.

Go’aankan ayaa ah mid uu ka dhabeenayo Raysalwasaare Justin Trudeau mid kamid ah balanqaadkiisii xiligii doorashada oo uu ku sheegay inuu dib ugala soo bixi doono diyaaradaha dagaalka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Siiriya iyo Ciraaq.

Xukuumada Canada ayaa sheegtay inay sare usii qaadi doonaan taageerada iyo tababarada ay siinayaan Kurdida Ciraaq oo iyagu dhanka dhulka kala dagaalamaya kooxda Daacish oo weli gacanta ku heysa qeybo kamid ah wadamada Ciraaq iyo Siiriya

Comments

comments