Puntland oo sheegtey in ay ka xuntahay sida Beesha caalamku u fasireyso go’aankii 4.5

Golaha Xukuumadda ee Puntland  ayaa maanta oo Axad ah isugu yimid shir aan caadi ahayn, waxayna uga hadleen xaaladda amniga ee Puntland,  Abaabraha iyo weliba doorashooyinka Soomaaliya ee 2016.

Golaha Xukuumadda Puntland ayaa sheegay, in Puntland qayb ka tahay Madasha Sare ee Wadatashiga Doorashiityina 2016, go’aankii dalka dib loogu celinaayo 4.5 uu yahay mid aan loo dhameyn.

Golaha Wasiirada ayaa sheegey in Puntland ay si buuxda u diidey go’aanka ah in dalka dib loogu celiyo 4.5, sidoo kale ay si weyn uga xun tahay hadalada soo noq-noqnaya ee Beesha Caalamu sheegeen in go’aankii Muqdisho loo dhamaa iyada oo Puntland aysan qayb ka ahayn go’aankaas.

Dhawaan ayaa lagu wadaa ergo sare oo ka socota Beesha Caalamku in ay gaaraan Garoowe kuwaas oo kala xaajoon doona Puntland nidaamka doorasho ee Dowladda Federaalku go’aamisey taas oo Puntland weli diidan tahay.

Comments

comments

SHARE