Somaliland: Taliyaha Saldhiga Ibraahim Koodbuur Oo Beeniyay In La Xidhay, Xilkiina Laga Qaaday

Taliyaha saldhiga booliska degmada Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargeysa Saddex xidigle Bedel Xasan Ismaaciil, ayaa sheegay in aanu xidhnayn isla markaana uu shaqadiisii si caadiya u wato.

Hadalka sarkaalkani waxa uu waxba kama jiraan ka dhigayaa hadalkii afhayeenka xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo sheegay in taliyaha xilkii laga qaaday isla markaana la xidhay ka dib markii guddoomiyahoodu saldhigaasi ku booqday khamiistii Ganacsade Cumar Caydiid oo maalmihii la soo dhaafay ku xidhnaa saldhigaas.

Taliye Bedal oo aanu xalay wax ka weydiinay warka sheegaya in xilkii laga qaaday isla markaana la xidhay waxa uu yidhi “Anigu ma xidhni imikana waxaan ku sugan nahay oo aan kaala hadlayaa gurigayga dhexdiisa.”
Saddex Xidigle Bedal Xasan Ismaaciil oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa ka jira warka sheegaya in xilkii laga qaaday, waxaanu ku gaabsaday “Waan shaqaynayay, warkaana ma hayo imikana gurigayga ayaan jooga.”

Dhinaca kale waxaa mareegaha wararka lagu faafiyay war sheegayay in la xidhay shalay taliyaha saldhigga Ibraahim Koodbuur dhamme Bedel Xasan taasoo lagu sababeeyay booqasho uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)ku tegay saldhigga sarkaalkaasi xukumo.

Laakiin waxaa warkaa beeniyay oo u waramay shabakada Hadhwanaagnews Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan oo sheegay in warkaasi uu yahay waxba kama jiraan taliyihuna uu shaqadiisii wato.

“Warkaasi waa been wax ka jiraa ma jiraan, imikadaa aan kula hadlayo waxa uu ku jiraa Shaqadisii warkaasina waa been,” ayuu yidhi Taliye Fooxle.

Dhinaca kale Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Xukuumadda ku cambaareeyay xadhig aan jirin in lagula kacay Taliyaha Saldhigga Ibraahim Koodbuur, arrintaasina waxay dibada u soo saarayaa in xisbigu uu ku go’aan qaatay wax aan jirin.

Comments

comments

SHARE